Madaxweyne Biixi Oo Danjire Cawil U Magacaabay La Taliyihiisa Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

33
2759

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) u magacaabay la taliyaha madaxweynaha ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo lagu cadeeyay wareegtada magacaabista ee madaxweynaha, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu Danjire Cawil u magacaabay inuu noqdo la taliyihiisa gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Wareegtadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu khilaaf ba’ani soo kala dhex galay Somaliland iyo Soomaaliya kaas oo ka dhashay heshiis saddex geesood ah oo dhawaan dalka UAE ku dhex maray Somaliland, shirkadda DP world iyo dawladda Itoobiya oo ku saabsan dekedda Berbera. Khilaafkaas ayaa sababay in dawladda Somaliland ku dhawaaqdo in wada hadaladii bishan loo balansanaa in furitaan loogu sameeyo Djibouti ay dib u dhaceen ilaa muddo bil ah.

Danjire Cawil ayaa muddooyinkii u dambeeyay socdaalo u muuqda inay la xidhiidhaan wada hadalada ku marayay dalalka gobalka Geeska Afrika, gaar ahaan Djibouti iyo Kenya. Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ayaa hore Danjire Cawil, u magacaabay inuu noqdo la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha aoqonsi raadiska.

Wareegto madaxweyne oo aan iyadana saxaafadda loo gudbin ayaa iyana la sheegay in madaxweynuhu uu Marwo ifraax Cismaan u magacaabay inay noqoto  madaxa horumarinta mashaariicda dalka gaar ahaan mashruuca maalgashi ee DP world.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here