Madaxweyne Biixi Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Waramay Natiijada Socadalka Addis Ababa

0
953

Hargeysa(Geeska)-Waftigii  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu hogaaminaayay ee maalmihii ugu danbeeyay joogay Itoobiya ayaa dalka ku soo laabtay, waftigan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Itoobiya waxaana ay kulamo yeesheen raysal wasaaraha Itoobiya iyo xukuumadiisa.

Madaxweyen Biixi ayaan warbaahinta aan la hadlin, waxaana warbaahinta sharaxaad ka siiyay socdaalkan ay Itoobiya ku tageen iyo waxii ay halkaas kala soo kulmeen wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa weftiga Madaxweyne.

Wasiirka oo  madaarka warbaahinta kula hadlaayay waxa uu yidhi “Wafti uu hogaaminaayo madaxweynaha JSL oo ay waheliyaan wasiirada maaliyada,khaarajiga,ganacsiga iyo anigu oo marti qaad rasmi ah uu madaxweynaha JSL uu u soo fidiyay raysal wasaaraha dawlada fadaraalka ah ee Itoobiya Abay Axmed,isla arbacada laftigeedii waxa uu waftigu la kulmay raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo ay waheliyaan wasiirada khaarajiga,maaliyada,wasiiru dawlaha arimaha dibada iyo saraakiil sar sare oo dalka Itoobiya ka tirsan wada hadal wanaagsan oo is faham dheer leh ayaa madaxweynaha iyo raysal wasaaraha iyo labada wafti ee labada dalba dhex maray waxaanu ka wada hadalnay sii xoojinta iyo adkaynta xidhiidhka iyo iskaashiga mudada dheer u soo socday dalka Itoobiya iyo dalka Somaliland, ee xaga ganacsiga iyo nabadgalyada iyo arrimaha siyaasada intaba, waxaanu ka wada hadalnay sidii Itoobiya iyo Somalilandnba ay uga wada shaqayn lahaayeen qalalaasaha iyo mashaakilada ka taagan guud ahaanba Geeska Afrika iyo sidii loo sii anba qaadi lahaa wada hadalkii mudo xoogaa ah hakaday ee  is aragyada door ahna laga galay ee Somaliya iyo Somaliland arimahaasna si wanaagsan ayaanu isula lafa gurnay si wanaagsana waa laysula fahmay, shirar kale oo googoos ah oo dalka gudihiisa ah iyo dad masuuliyiin ah oo kalina waftiga waa ay is arkeen.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here