Madaxweyne Biixi Oo Bedelay Mawqifkii Uu Ka Qaatay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

4
9884

Nayrobi(Geeska)-Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaan soo dhawayn dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka Somaliland oo qorshaysnaa March 2019 in la qabto.

Guddiga doorashooyinka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in dib u dhac ku yimid doorashooyinkii Baarlamaanka iyo deegaanka, waxaanay soo bandhigeen dhawr duruufood oo caqabad ku noqtay qabsoomida doorashadaas. Ma jiro wakhti weli loo cayimay inay doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan.

Diblomaasi reer galbeed ah oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, maadaama oo aanu u xilsaarnayn inuu saxaafadda la hadlo, ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalka Somaliland ka taageera doorashoyinka iyo dimuqraadiyadu aanay soo dhawayn dib u dhacan ku yimid doorashooyinka, “Waa wax laga xumaado, lagamana soo dhawayn dhankayaga. Waxa jira shir ay dalalka deeq bixiyayaasha ahi ka yeesheen dib u dhacan, mana aha mid la aqbali karo.” Sidaas waxa yidhi diblomaasiga u waramay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay “Wefti ayaa loo soo diray Hargeysa, lana kulmay Madaxweynaha iyo guddiga doorashooyinka iyo dhinacyada kale, waxaana muhiim ah inaanay Somaliland ka dhicin tareenka ay saarnayd ee magaca u soo jiiday ee dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka”

Diblomaasigani wuxuu Geeska Afrika u sheegay inay muhiim tahay in xisbiyada iyo xukuumadu kulan wada jir ah ka yeesheen sidii loo xaadhi lahaa caqabad kasta oo ku gudban doorashooyinka, “Waa muhiim inay xukuumadda iyo mucaaradku yeesheen wada shaqayn oo ay soo celiyaan xidhiidhkoodii hore, haddii kale arrimahani uma wanaagsana Somaliland.” Ayuu yidhi.

Wuxuu diblomaasigani sheegay inay jiraan aragtiyo soo jeedinaya in muddo kordhinta loo samaynayo wakiilada iyo deegaanka lagu koobo dhawr bilood si ugu dambayn doorashooyinka loo qabto bisha Oktoobar ee 2019, bilahaas koobana lagu xaadho caqabadaha yaala jidka doorashooyinka loo marayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here