Madaxweyne Biixi Oo 14 Maalmood Oo Uu Gobalada Ku Maqnaa Khudbadihii Uu Jeediyay Mid Kasta Kaga Hadlay Dawladda Soomaaliya

3
9289

Hargeysa(Geeska)-14 maalmood ka dib, Madaxweyne Biixi wuxuu shalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda ah oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Socdaalkiisa ayaa ahaa mid shaqo oo uu Madaxweynuhu ugu baxay shanta gobal ee kale, marka laga reebo maroodi-jeex, waxaanu maray caasimadaha gobaladaas iyo magaalooyinka kale ee muhimiika ah.

Madaxweynuhu wuxuu shacabka u jeediyay khudbado kala duwan, waxaanu qaybaha kala duwan ee bulshada la yeeshay shir doceedyo. Khudbadaha uu jeediyay wuxuu Madaxweynuhu mid kasta oo uu shacabka kula hadlayay ku soo hadal qaaday Soomaaliya iyo dawladooda.  Dhammaan magaalooyinka uu maray ee uu khudahaba ka jeediyay wuxuu ku soo hadal qaaday dawladda Soomaaliya, marka laga reebo magaalada Oodweyne oo uu kaga hadlay mashaariicda horumarineed ee ay xukuumadiisu ka fulisay deegaankaas.

Burco

Markii uu Madaxweynuhu marayay magaalada Burco, wuxuu khudbadiisa qayb ka mid ah oo Soomaaliya iyo dawladda Farmaajo ku saabsan uu ku yidhi “Inamada Xamar ee shalay golaha amaanka ka soo hadal qaadayay Somaliland ee lahaa waa in nalala qabtaa waa go’doone, waxaanu u sheegaynaa Afawerki  inta uu maray in ka dheer ayaanu u maraynaa,balana waxaanu idiinku qaadnay idinka oo yimaada idinka oo xornimadyada wada mooyaane in aynaan wada hadlin, ma suurtoobayso Soomaali ayaa laysu keenayaa kumana arkaayo, maaha Somaliland mid indhaha laga qarin karo.”

Caynaba

Markii uu ka tagay Madaxweyne Biixi magaalada Burco, wuxuu gaadhay Caynabo, waxaanu khudbadiisa qayb ka mid ah kaga hadlayaa Soomaaliya, waxaanu yidhi “Cidda aynu is hayno ee dhibaato ka taagan tahay waa maamulka Muqdisho jooga imika, waa dawlada uu hogaaminaayo Farmaajo, waxaan leeyahay waa nasiib daro markii la doortay nin dhalinyaro ah bal inuu Somaliya mideeyo oo Xamar ay dooratay oo ay u dabaal degtay oo gobalada Somaliya oo dhami ay u dababaal degeen oo la yidhi maskax cusub oo horumar ah ayuu la imanayaa, waxa ayaan daro ah in dabka ka kacaaya Somaliya aanu horeba uga kicin. Masiibada Somaliya maanta u taagani waa dawladaas Farmaajo ee Xamar taala ee Xamar iyo Somaliyana isku gubtay Somalilandna u soo hanqaltaagaysa.”

Laasacaanood

Imika, wuxuu Madaxweynuhu marayaa magaalada Lascanod, waxaanu soo hadal qaaday Soomaaliya, waxaanu yidhi  “Walaaladeen Soomaaliya dhamaantood waxaynu u rajaynaynaa khayr, waxaynu u taagaynaa gacan nabadgalyo oo aynu nabad ku wada noolaano, Somaliland cidna colaad uma wado dagaalo baryo hore dhacay waa in laga gudbaa oo loo gudbaa horumar iskaashi iyo walaaltinimo iyo is aamin.”

Tukaraq

Madaxweynuhu wuu ka tagay magaalada Lascanod, waxaanu gaadhay deegaanka Tukoraq oo ay ciidamada qaranku fadhiyaan, waxaanu isagoo la hadlaya Soomaaliya, si gaar ah ayuu ula hadlayaa maamulka Puntland ee Soomaaliya, waxaanu u  khudbadaynaya ciidamada qaranka oo wuxuu yidhi  “Walaalaha aanu iska soo horjeedno ee Puntland weerar kuma nihin ma necbin,waanu nabad galinaynaa iyagana intaas in leeg ayaanu ka rabnaa iyagana in alle garansiiyo ayaan ka rajaynayaa waayo wax hadal lagu dhamayn karo oo geed hoostii lagu dhamayn karo waa khaladan yahay ninka weerar ku galayaa.”

Madaxweynuhu Wuu ka tagay Tukoraq, wuxuu gaadhay deegaanka Ceel-afweyn oo uu khudbadiisa culayskeeda ku saaray nabadaynta iyo isu soo dhawaynta beelaha deegaankaas wada degga oo ay dagaalo dhex mareen dhawr goor.

Ceerigaabo

Wuxuu Madaxweyne Biixi tagay Ceerigaabo, waxaanu yidhi isagoo Soomaaliya la hadlaya  “Somaliland mid bay dood ka qabtaa oo aanay aqbalayn waxa weeye gurigaygii oo gubanaaya iigu kaalay oo ila gubo, haddii kale aan kaaga kula gubo oo iga tagi maysid oo dabkaad ila galaysaa oo waan ku jiidanayaa, waar dee caqli maaha.”

Hargeysa

14 maalmood ka dib shalay ayuu Madaxweynuhu ku soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu khudbad uu u jeediyay shacabka soo dhaweeyay kaga hadlay isla Soomaaliya iyo dawladooda, waxaanu khudbadiisa oo laga yaabo inuu ku soo gunaanadayay eedaha uu dawladda Soomaaliya u jeedinayay mudadaas 14ka maalmood ah uu Madaxweynuhu  ku yidhi “Qolada Xamar ku shirtay waxaan leeyahay soddon sanadood oo halgan iyo dagaal ah muran ahaa, toban sano oo halgan hubaysan ahaa 27 sanadood oo ay Somaliland xor ahayd ninka maanta leh waxaan u shirayaa inaan soo celiyo oo aan soo mideeyaa caqli malaha, garasho malaha, madaxweynaheedu waa uu hadlay oo waxa uu yidhi kolba ninka Somaliya neceb cadawgeeda u taga oo hub qaata, aad iyo aad ayaan ula yaabay caqligaabnida ninkaas dhan ee madaxweynaha ah, waxa uu ka firkirayaa wadadii uu Maxamed Siyaad Bare ka firkiraayay 1988 kii.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here