Madaxweyne Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka Telefoonka Kaga Wada Hadlay Xiisadii Tuko-raq Iyo Dib U Bilaabista Wada Hadaladii Hargeysa Iyo Muqdisho

37
3368

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynayaasha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa markii u horaysay ku wada hadlay khadka Telefoonka, ka dib xiisadii ka dhex dhalatay Somaliland iyo maamulka Soomaaliya ee Puntland.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in labada Madaxweyne ay Telefoon ku wada hadleen toddobaadkan dhammaaday ka hor intii aanu Madaxweyne Biixi u ambobixin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wada hadalkan Telefoonka ah oo sida warku sheegay ay ka shaqaysay xarunta caalamiga ah ee “CENTRE FOR HUMANITARIAN DIALOGUE”, wax ay labada madaxweyne kaga wada hadleen laba qodob oo kala ah xiisadii ka dhacday deegaanka Tuko-raq iyo suurtogalnimada inay dib u bilaabmaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee hakadka galay.

Warka uu Geeska Afrika helay, wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi uu wada hadalkaas Telefoonka ah ku soo bandhigay in xiisadii Tuko-raq uu u arko dagaal ay dawladda Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland, isagoo sheegay inaanay is hayn Somaliland iyo Puntland laakiin uu aaminsanyahay in dawladda Somaliya ee Madaxweyne Farmaajo ay bilowday dagaal ciidan oo ka dhan ah Somaliland, waxaanu warku sheegay in Madaxweyne Biixi uu tusaale u soo qaatay wasiirka qorshaynta Soomaliya Mr. Jamaal Xasan oo dhawaan socdaal ku yimid bariga-sanaag, taas oo uu Madaxweynaha Somaliland sheegay inay tahay xad-gudub.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa la sheegay inuu ku dooday inaanu marna doonayn dagaal iyo dhiig daata, laakiin uu jecelyahay nabadgelyada islamarkaana uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo sidii xiisadda soo korodhay loogu dhammayn lahaa wada hadal. Wuxuu sheegay inuu jecelyahay inay labadoodu [Biixi iyo Farmaajo] hormuud u noqdaan in xiisadda la dejiyo islamarkaana laga dheeraado dagaal dhaca.

Warka uu Geeska Afrika helay, waxa kale oo uu sheegay inay labada madaxweyne isla soo hadal qaadeen in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, waxaanay isla garteen inay deg deg wada hadaladu u bilaabmaan islamarkaana ay labadoodu hormuud u noqdaan kulanka u horeeya ee wada hadalada lagu bilaabayo, waxaanu warku sheegay inay suurtogal tahay in dawladda Turkiga laga wareejiyo wada hadaladan loognaa wareego in dawlado kale dhexdhexaadiyaan.

Ma jiro wax war ah oo ay Somaliland iyo Somaliya, midkoodna ka soo saareen wada hadalkan Telefoonka ku dhex maray labada madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here