Madaxweyne Biixi Iyo Axmed-Siilaanyo Ayay Shacabku Ka Sugayaan Ka Hadalka Daynta 80 Milyan Ee Dollar Ah

0
1041

Hargeysa(Geeska)-Wixii ka dambeeyay duhurnimadii Isniintii, waxa baraha bulshada iyo goobaha ay ku sheekaystaan shacabka Somaliland qabsatay daynta 80-ka milyan ee dollar ah ee la sheegay in Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ku wareejiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Buubaa, wuxuu sheegay in Wasiir Sacad Cali Shire oo la kulmay guddiga ilaalinta hantida qaranka uu u sheegay in xukuumadda Madaxweyne Biixi la daalaa dhacayso bixinta dayntaas 80 ka milyan ee dollar ah.

Dayntan ayaa sida uu xildhibaanku sheegay waxa uu Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ku wareejiyay Madaxweynaha imika talada haya ee uu talada ku wareejiyay Muuse Biixi Cabdi, waaanu xildhibaanku sheegay in dayntaasi culays ku hayso xukuumadda iyo guud ahaan qarankaba.

Shacabka ayaa dareen layaab leh ku qaabilay dayntaas, waxaanay su’aalo badan iska weydiinayaan sida dayntaas loo galay iyo weliba kalsoonida lagu qabi karo inay tahay dayn qaranku galay.

Dayntan ayay hadal haynteedu soo baxday markii Madaxweyne Biixi loo dhaariyay xilka qaranka bishii December ee sannadkii 2017, laakiin wasiirkii maaliyadda ee wakhtigaas Samsam Cabdi Aadan ayaa markii ay xilka wareejinaysay waxay sheegtay inaanay wareejinayn wax dayn ah.

Haddii ay dayntani jirto waxay caqabad ku noqonaysaa qorshayaashii Madaxweyne Muuse Biixi uu doonayay inuu ku talaabsado shanta sannadood ee la doortay, waxaanay shacabku sugayaan in Madaxweyne Biixi

Sidoo waxa haddii ay jirto ay ceeb ku noqonaysaa maamulkii Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo aan hore loo arag Madaxweyne Somaliland soo maray oo dayn intan leeg ku wareejiya Madaxweynaha xilka kala wareegay tan iyo sannadkii 1991.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo dalka dibadiisa ku sugan ayaa imikana sheegtay inaanay dayntaasi jirin. Inkastoo ay Samsam Cabdi Aadan, ku dooday inaanay jirin dayntaasi diyaarna ay u tahay inay si cad uga difaacdo madal furan, haddana shacabku  weli ma liqin doodda Wasiir Samsam. waxaanay sugayaan inuu  jiritaanka dayntan ka hadlo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama oo uu isaga qaranku doortay.

Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa isna laga sugayaa inuu ka hadlo maadaama oo haddii ay dayntani jirto ay taariikhdiisa u galayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here