Madaxweyne; Bal Garsoorkuna; Yaanu Sanka Caano Ka Keenin

0
1246

Picture3Eedayntii ay madaxda hay’adaha garsoorka iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda Hargeysa ay u jeediyeen xukuumadda, gaar ahaanna xubno wasiirro ahi waxay noqotay mid yaabkeeda leh. Laba qodob ayaana dareenka ka dhashay xoogga u yeelay; Waa midda koowaad’e waxay ku soo beegantay iyadoo toddobaadyo ka hor ay xildhibaanno kar tirsan golaha wakiilada iyo guddoomiyaha golahaasi ay xukuumadda ku eedeeyeen inay farogeiln ku hayso hay’adda shirci dejinta ee Baarlamaanka, ka hor intii aanay golaha guurtidu xalin khilaafkii golaha ka dhex jiray. Waa midda labaad’e waxa shacabka isu qaban waayay weedhihii madaxweynaha afkiisa ka soo bixi jiray ee la xidhiidhay madaxbanaanida garsoorka iyo weliba dib u habayntiisa oo si weyn uga dhex muuqday qodobbadii uu ol’olihii doorashada ku galay, iyo farogelinta weliba cadaymaha qoraalka ah wadata ee ay xubno ka tirsan wasiiradiisu ku hayaan.

Inkastoo ay madaxtooyadu iska foogaysay eedaymaha garsoorka islamarkaana ka dalbatay in haddii ay caddaymo hayaan ay soo bandhigaan, haddana weedhaha madaxtooyada waxa ay dad badani u arkeen is difaac keliya, sababtuna waxa weeye caddaymihii ay soo bandhigeen xubnihii garsoorka ayaa markhaati ugu filan cidda aan is-diisiini ku jirin.

Sida keliya ee mudane madaxweyne aad hadalkaagaas hore ee horumarinta iyo dib-u-habaynta garsoorka kaga dhabayn kartaa waa adigoo qaada tallaabooyin geesinnimo iyo ku dhiirasho leh. Waa inaad marka ugu horaysa si cad talaabo uga qaadaa wasiirada ay garsoorku  eedeeyeen, waa inaad sidoo kale mudane madaxweyne ka jawaabtaa dhibaatooyinka dhaqaale ee ay madaxda garsoorku soo bandhigeen oo ah qaar looga garaabi karo marka la eego xaaladda uu wadanku ku jiro.

Haddiise aad mudane madaxweyne tabaashooyinka isbarkan ee garsoorka aad kaga jawaabto is difaac keliya, talaabadaada iyo jawaabta wasiiradaada ee ah inay maxkamadaha ka soo baxaan go’aano cadaaladda daro ahi, waxa shaki geli doona madaxbannaanida garsooska, waxaana sii fogaan doonta kalsoonidii shacabku ku qabeen garsoorka. Bal ka waran madaxweyne, marka uu wasiir xukuumadaada ka tirsani leeyahay go’aano cadaalad darro ah ayaa ka soo baxa garsoorka. Miyaanay taasi ahayn arrin halisteeda leh oo sababi karta isku dhac iyo kalsoonidii garsoorka oo lunta?

Waxaa madaxweyne lagaaga baahanyahay inaad qaaddo talaabooyin cad-cad oo is difaac ka badan. Haddii kale waxa ay noqon doontaa boog ay mucaaradku kaaga faa’iidaystaan inaad noqotay madaxweynihii u horeeyay ee ay sharci dejinta iyo garsoorkuba farogelin kaga cawdaan.

Mar kale,waxa ay bulshadu kaa sugaysaa in aad xal cilmiyeysan oo caadifad iyo cadho siyaasi ahi ka dheer u raadiso tabashada garooska, oo aad ka jawaabto, waxyaabaha ay dhibsadeen ee ay miiska soo dhigeen, islamarkaana aanay xal-u-raadinta tabashada garsoorku aanay xukuumaddaadu u marin hal-ku-dheggii caanka noqday ee ahaa, ‘In cidi sanka caano ka keento’ ee ay xukuumaddaadu u maraysay khilaafkii golaha wakiillada, kaas oo ku sigtay in uu god dheer ku riddo xalkii la doonayey.

Mudane madaxweyne, waa in xukuumaddaadu ay samayso talaabooyinka wakhtigan oo kale looga baahanyahay hoggaamiyaha wanaagsan si iyada oo aan cidina sanka caano ka keenin loo helo xal ummadda iyo dalka dan u ah, oo cadaaladda iyo garsoorka xoojiya, horumariya, isla markaana ka xoreeya farogelinta xukuumaddaada.