Madaxweyne Axmed-siilaanyo Oo La Saadaalinayo Inuu Samaynayo Isku Shaandhayntiisii U Dambaysay Iyo Su’aalaha Ay Shacabku Iska Weydiinayaan

0
600

Hargeysa(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo samayn doono isku shaandhayntiisii u dambaysay oo culus, taas oo saamayn doonta masuuliyiin badan.

Wararkan oo ay qaar ka mid ah warbaahintu baahiyeen magacyada masuuliyiinta laga yaabo inay ku jiraan isku shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa la sheegayaa inay sahayan doonto xubno ka tirsan golaha wasiirada, badhasaabada gobalada qaarkood iyo weliba madaxda hay’adaha ammaan ee dalka. Waxaana golaha wasiirada ku soo biiri doona xubno cusub oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ujeedada u weyni tahay inay ka qayb qaataan olalaha doorashada xisbiga KULMIYE.

Laakiin dadka xiiseeya siyaasadda ayaa haddiiba madaxweyne Siilaanyo sameeyo isku shaandhayn, waxay isweydiinayaan inay noqon doonto mid sidii kuwii hore ku koobnaata wasiirada ka soo jeeda beelaha kale ee Somaliland iyo inay noqon doonto mid uu bal ugu yaraan ku taabto hal wasiir oo ka mid ah wasiirada lagu magacaabo “Wasiirada aan dhicin” ee ka soo jeeda beeshiisa oo aanu marna ku samayn xil ka qaadis.

Waxa kale oo ay dadka siyaasadda xiiseeya isweydiinayaan in Madaxweyne Siilaanyo sii kordhin doono golahiisa wasiirada oo hadda maraya 69 xubnood iyo inuu samayn doono kala haadin oo uu isku ururin doono wasaaradaha qaar si ay u yaraato tirada golaha wasiiradu oo dabadeed dhinta kharashaadka ku baxa ee aanu dalku iska xejin karin.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqday madaxweynihii Somaliland soo mara ee dhisa xukuumadii ugu tirada badnayd, isagoo madaxweynihii hore Md. Rayaale oo dhisay xukuumad ka kooban 56 wasiir ku eedayn jiray inuu sameeyay xukuumad tiro badan oo bilaa tayo ah.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo ayaa la eegayaa inuu ku dhiirado isku shaandhayn macno samaysa iyo inuu sameeyo isku shaandhayn iyo xil ka qaadis la mid ah kuwii uu hore u sameeyay oo lagu tilmaamay dhadhaarada dheriga oo la kala bedelay, maadaama oo aanay dalka u soo kordhin wax horumar ah.