Madaxweyne; Adigaa Ah Hoggaamiyaha Qaranka Geeska Afrika staff writer

0
579

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu 14 June  u soo qoray guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan-Cirro, dhambaal uu kaga dalbanayo inuu isugu yeedho asxaabta qaranka iyo guddiga doorashooyinka si xal loogu helo qaddiyadda saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada.

1

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ka jawaab celinayaa qoraal uu guddoomiyaha golaha wakaiiladu u gudbiyay Madaxweynaha oo nuxurkiisu ahaa in Madaxweyne Siilaanyo ka tallo bixiyo xalka kama dambaysta ah ee saami qaybsiga, dib markii ay guddi golaha ka tirsani warbixin iyo daaraasaad arrintan ku saabsan ka soo ururiyeen gobalada dalka.

Wuxuu guddoomiye Cirro, hore Madaxweyne Siilaanyo uga dalbaday inuu qabto kulan tallo qaran lagaga yeelanayo mawduucan saami qaybsiga ee xaasaasiga ah.

Laakiin, Madaxweyne Siilaanyo ayaa qoraalkaas guddoomiyaha golaha wakiilada, wuxuu kaga soo jawaabay wax aan loo fadhiyin, ka dib markii uu guddoomiyaha golaha wakiilada ka codsaday inuu isugu yeedho asxaabta iyo guddiga doorashada, abaabulana kulan tallo qaran lagaga yeelanayo saami qaybsiga.

Marka koowaad, cidda kulan tallo qaran ah ku baaqi karta ee dhinacyo badan isugu yeedhi kartaa distooriyan waa Madaxweynaha qaranka oo ah Madaxweyne Siilaanyo, mana jirto cid kale oo uu distoorku awood u siiyay inay tallo qaran ku baaqdo.

Guddoomiye Cirro, waa hoggaamiye xisbi mucaarad ah, geesta kalena waa hoggaamiyaha waax ka tirsan nidaamka dawladeed ee Somaliland, waaxdaas oo ah sharci dejinta oo ah golaha wakiilada. Mana laha awood uu isugu yeedho xisbiyo iyo guddi doorasho amaba uu ku qaban karo distooriyan kulan talo qaran ah.

Madaxweyne Siilaanyo, isagaa ah hoggaamiyaha qaranka. Baarlamaanka, asxaabta, xukuumadda iyo garsoorakaba isagaa u ah hoggaamiye oo ay umadu dooratay, isagaana laga sugayaa inuu qabto tallo qaran.

Hase yeeshee waxa la arkayaa in jawaabta Madaxweyne Siilaanyo u soo qoray guddoomiyaha golaha wakiiladu aanay ahayn mid huwan milgihii madaxweynaha.

Warqada madaxweynaha, waxa loo arkaa inay ka aradantahay nidaamka dawladnimo islamarkaana aan lagu qorin tallo laga baaraan degay balse lagu qoray go’aan ka dhashay ficil siyaasadeed oo aan lagala tashan sharci yaqaano.

Haddaba, marka arrimahan oo dhan la eego waxa cad in warqada Madaxweyne Siilaanyo aanay ku soo bixin hanaan dawladeed oo aad looga baaraan degay. Madaxweynaha waxa la gudboon inuu fahmo inuu isagu yahay hoggaamiyaha qaranka oo aanu awoodihiisa uu distoorku siiyay si fudud oo khalad ah u wareejin inta ka hadhay muddo kordhintii ay golaha guurtidu u sameeyeen.