Madaxweynayaasha Ilbaxa Ah Amaankooda Sidaa Looma Ilaaliyo

0
763

Picture2Dalkasta wajibaadka Hay’adaha amniga waxa ka mid ah sugida amaanka Madaxweynaha, ilaalada iyo la socodkiisa waxa kor loo sii qaadaa markasta oo uu dalka ka baxayo ama kusoo noqonayo ama dalka gudihiisa ku dhex safrayo hase ahaatee wadamadu waxay ku kala duwan yihiin habka iyo sida loo ilaaliyo madaxweynahooda, Madaxweynaha Ilbaxa ah ee si dimuqraadi ah loo soo doortay amaankiisa waxa loo ilaaliyaa si nidaamsan ama habaysan oo sanqadh yar oo hadana boqolkiiba sagaal iyo sagaashan la hubo inuu sugan y ahay inta badan dadweynuhu ma dareemo, dhaqdhaqaaqa madaxda waxay ka ogaadaan warbaahinta laakiin Madaxwynayaasha xukunka boobay ama sifo sharciga baalmarsan ku yimid iyaga amaankooda waxa lagu ilaaliyaa ciidamo tiro badan, baabuurta gaashaaman, waxa xaga hore, xaga danbe iyo hareerahaba ka socda gaadiid tiro badan, waxa sii galbiya ama soo galbiya dhamaan masuuliyiinta qaranka waxaad moodaa in ay shaqadii xafiisyada ka doorbideen la socodka iyo ag joog-jooga madaxweynaha waxa intaa u dheer qaybo bulshada ka mid ah oo dumar u badan oo si qiiro leh ugu luuqeeya heeso lagu amaanayo madaxweynaha.

 Maxay tahay ujeedada looga badbadiyo ilaalinta amaanka digtaytarka?

1.       Waa cago juglayn dadban oo dadweynaha lagu cabsi gelinayo iyo dhoolatus lagu muujinayo awooda iyo xooga ciidamada ilaalada madaxweynaha

2.       Taageerayaasha digtaytarka  oo sacabka iyo sawaxanka niyada ugu dhisa iyo sida raali looga yahay hogaamintiisa

3.       Ciidamada amniga oo qafqafta iyo is daba yaaca ku muujinaya inay daacad u yihiin madaxweynaha oo uu isku halayn karo

4.       Dhinaca soomaliland madaxda qaabilsan amaanka madaxweynaha oo aan la barin ama aan arag si kale oo ka duwan sidii loo ilaalin jiray kaligii taliyihii hore ee soomaliya .

Si kastaba aha ahaatee madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud uma qalmo in loo nisbeeyo ama la barbar dhigo digtaytarada ka taliya ama ka talin jiray qaar ka mid ah dalalka Africa laakiin wuxuu ka shabaahaa sida amaankiisa loo ilaaliyo, faanka iyo amaanta faraha badan.

Akhriste bal u fiirso dhacdooyinkan iska soo hor jeeda  iyo mid waliba fariinta ay ka gudbinayso amaanka soomalialnd.

28/02/2014 waxa daafaha dunida laga daawaday Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Siilanyo oo dhex mush-mushaaxaya suuqa ganacsiga caasimada ee cidhiidhiga badan mana aha markii ugu horaysay ee uu tamashle ku dhex marmaro magaalada.

14/03/1214  waxa shaashadaha Tv-yada laga arkay madaxweynaha oo xeebta Batalaale kula dabaalanaya qaar ka mid ah dadweynaha reer Berbera” sidoo kale marar badan waxa la arkaa madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C/raxmaan C/laahi Saylici oo lug ku maraya dariiqa u dhaxeeya gurigiisa iyo madaxtooyada oo qiyaas ahaan ku dhow ilaa laba killo mitir.

Bal dhinac kale ka eeg marka madaxweynuhu safar u baxayo ama ka soo noqonayo waxa laga daawadaa warbaahinta wadooyinka oo la soo dhoobay boqolaal ka tirsan qaybaha ciidanka Booliska oo waliba lagu xoojiyay Ciidanka Asluubta, waxa la xidhaa wadada halboowalha ah iyo qaar ka mid ah isgoysyada muhiimka ah saacado badan waxa istaaga gaadiidka dadwaynaha, madaxweynaha waxa lagu ilaaliyaaa baabuurta loo yaqaan tiknikada iyo ciidamo aad u hubaysan.

Hadaba dadweynaha iyo beesha caalamka kuwa daneeya ama dusha kala socda xaalada amniga somliland waxay fahmi waayeen ama isu qaban la’  labadan arrimood oo aad u kala fog ama is burinaya.

Runtii waa laba xaaladood oo aan hal mar goob ama dal ka wada jiri Karin.

sheekada qaybta hore waxay cadaynaysaa inay Somaliland ka mid tahay meelaha ama dalalka ugu amaanka badan caalamka waxay wax kama jiraan ka dhigtay warbixinada beenta ah ee wakiilada UN-tu ka sheegaan nabadgelyada Somaliland.

Sheekada qaybta danbe waxay bixinaysaa sawir ah in dalka amaankiisu xun yahay waxa loo markhaati furay dawaladaha ka shakisan heerka nabadgelyda iyo kuwa muwaadiniintooda uga diga inay tagaan somliland.

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com