“Madaxweynaha Waxa Laga Sugayaa Inuu Isku Dheeli Tiro Mansabyada Qaranka”

25
3287

Xildhibaan Siciid Cartan  

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu Xukuumaddiisa ku sameeyo isku shandhayn balaadhan, madaama uu ku tilmaamay in aad loo dhaliilsan yahay, isla markaana saluug laga muujiyey tayo ahaan iyo isku dheeli tirnaan la’aanba, waxaanu ku baaqay in mansabyada iyo xilalka waweyn ee qaranka in layska wada dhex arko.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey safarka uu madaxweynuhu ku tagay gobolada Barri, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay safarka madaxweynaha “Madaxweynuhu safarkaas uu ugu baxay Gobolada barriga, waa safar aad iyo aad muhiim ugu ah madaxweynaha, aad iyo aadna waa loogu soo dhaweeyey, safarkana waa safar uu Madaxweynuhu ugu kuur-galayo xaalada dadku halkay marayso, dhinac kastaba, waana uu safar ku soo indho-indhaynayo duruufaha ka jira deeganadaas, dadkana dareenkooda iyo xaalada ay ku sugan yihiin buu la soo qaybsanayaa, oo uu soo ogaanayaa, runtiina safarkani waa safar aad u qiimo leh, muddo sannad ah ayuu madaxweyne Muuse Biixi uu Madaxweyne ahaa, waxaanna qabaa inuu xili ku munaasiba uu u baxay goboladaas barri”.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey saluuga laga muujiyey Xukuumadda Muuse Biixi iyo qaabka uu u dhisay waxa uu yidhi “Madaxweynaha marka uu soo qaato dareenka dadka gobolada barri, ee uu soo darso xaalada, waxa ugu badan ee aynu ka filaynaa madaxweynaha is bedel balaadhan oo guni iyo baara inuu ku sameeyo Xukuumaddiisa, oo ay inta badan dadku u arkaan in aanay isku dheeli tirnayan,tayeydeeduna aanay fiicnayn, markaas waxaanu eegaynaa marka uu dareenka gobolada barriga uu soo qaato, Madaxweynaha waxaa ugu weyn dadka reer Somaliland ka eegayaan inuu is bedel balaadhan ku sameeyo xukuumaddiisa oo aad loo dhaliilo tayo ahaan iyo isku dheeli tirnaan ahaanba, Madaxweynaha waxaanu ka eegaynaa inuu soo dhiso Xukuumad Somaliland hanan karta, oo dadku ku qancaan, iskana wada dhex arki karaan, oo kuraasta muhiimka ee qarankana la isku dheeli tiro, in marka uu soo noqdo uu sameeyo, Madaxweynaha waxa ugu weyn ee laga sugayaana waa inuu isku dheeli tiro masabyada waaweyn ee qaranka, oo aad loo dhaliilsan yahay”.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey ilaalinta hantida umadda ayaa yidhi “Madaxweynuhu ilaalinta hanitada umadda talaabo wanaagsan buu ka qaaday, arimihii ugu muhiimsanaa sida haamaha iyo barkinkii madaarka iyo meelo badan oo kale oo Xukuumaddii hore cid gaar ah ku wareejisay ayuu madaxweynuhu gacanta xukuumadda dib ugu soo celiyey, waana ku bogaadinayaa Madaxweynaha talaabadaas uu qaaday, waxaana leeyahay Madaxweyne wax kasta oo qaranka leeyahay oo sifo sharci daro ah lagu wareejiyey qaranka dib ugu soo celi”.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey samaayanta ay  Somaliland ku yeelan karo iskaashigii Wadamada Itoobiya, Elatariya iyo Somaliya ayaa yidhi “Iskaashigu saamayan uu inagu yeelan karaa, waayo waxaynu ku wada naala Geeska Afrika, dhaq-dhaqaaq fara badanina uu jira, ee waxaa la inooga baahan yahay taxadir badan ka qabno si aanu inoogu keenin dareen taban, waa in si xeel dheer ula socono wixii dhaq-dhaqaaqa ee jira, mar walbana waa inaynu insha ku haynaa wax walba oo mandaqada ka socoda”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here