Madaxweynaha Turkiga Oo Ay Dantu Ku Qasabtay Inuu Ruushka Ka Raaligeliyo Diyaaradii Uu Ka Soo Riday

0
565

Moscow(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogon, ayaa si rasmi ah raaligelin uga bixiyay diyaaradii uu Ruushku lahaa ee ay bishii November ciidamada dalkiisu soo rideen, kuna dileen duuliyihii diyaaradda saarnaa. Diyaaradda ayaa maraysay xadka Suuriya.

1

Aqalka Kremlin ee dalka Ruushka, ayaa afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in Madaxweynaha Turkigu dhambaal u diray dhiggiisa Ruushka, kaas oo uu raaligelin kaga bixiyay falkaas diyaaradda lagu soo riday islamarkaana wuxuu codsaday in tacsi laga gaadhsiiyo qoyska duuliyihii geeeriyooday, isagoo codsaday in la cafiyo.

Sida uu afhayeenka Ruushku sheegay, wuxuu kaloo madaxweyne Erdogon balan qaaday inuu dhinaciisa ka shaqayn doono sidii uu xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal u soo noqon lahaa, wax kasta oo ay ku qaadato.

Afhayeenka madaxweynaha Turkiga, ayaa isna dhinaciisa wargeyska Hurriyet ee dalka Turkiga u sheegay in madaxweyne Erdogon uu raaligelin u diray madaxweynaha Ruushka.

Turkiga ayaa hore u sheegay inaanay marna Ruushka ka raaligelinayn falkaas oo lagu dilay duuliyihii diyaaradda, iyadoo diyaaradaas la soo riday xumaysasy xidhiidhkii labada dal.

Weriyaha telefishanka Aljazeera ee magaalada Moscow, ayaa sheegay inay cadayd in madaxweynaha Turkigu uu markii horeba xisaab khaldan isu gaystay islamarkaana uu istusay in raaligelin uu bixiyaa ay dhaawac u gaysanayso sumcadiisa.

Turkiga ayaa November waxay sheegeen in diyaaradda la soo riday ka dib markii ay soo gashay hawada dalkeeda.