Madaxweynaha Soomaaliya Oo Boqortooyada Sucuudiga Ka Dalbaday In Imaaraadka Ay Ku Qanciso Joojinta Saldhigga Milateri Ee Berbera

0
646

Riyaad (Geeska)- Degelka Riyaad Post oo lagu daabaco daraasaadka istaraatijiga ah iyo gorfaynta siyaasadaha la xidhiidha Khaliijka Carabta iyo Bariga dhexe, ayaa Axaddii 26ka Bishan Feebarweri qoray war uu cinwaan uga dhigay, ‘Muqdisho oo Sucuudiga ka dalbatay in uu dhex-dhexaadin ka galo sidii uu Imaaraadka Carabta ugu qancin lahaa in aanay saldhig Milateri ka furan Somaliland’ Riyaad Post waxa uu warbixintan ku sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu Sucuudiga u gudbiyey dalab uu kaga codsanayo in uu ka ergeeyo sidii dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta loogu qancin lahaa in aanu dhamaystirin hawsha uu saldhigga milateri kaga samaysanayo Somaliland.

Riyaad Post waxa ay sheegtay in masuul ka tirsan dawladda Soomaaliya oo xubin ka ahaa waftiga Farmaajo ee tegey Sucuudiga uu u shabakadda Yalla Africa u sheegay in madaxweynuhu uu masuuliyiinta Sucuudiga ka codsaday in ay dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku qanciyaan, in aanay hore ugu sii socon qorshahooda ay saldhigga milateri kaga samaysanayaan Somaliland. Oo uu ku sheegay jamhuuriyad gooni-goosad ah oo aanay Muqdisho aqoonsanayn.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khamiistii toddobaadkii hore booqday dalka Sucuudiga, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay ee uu Muqdisho dibadda uga baxo intii xilkaas loo doortay. Mudane Farmaajo waxa uu Riyaad kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga,  Salmaan Bin Cabdalcasiis, waxa aanay labada hoggaamiye ka wada xaajoodeen iskaashiga laba geesoodk ah, iyo xaaladihii u dambeeyey ee gobalka.

Warbixintan uu Geeska Afrika turjumay waxa ay tilmaamtay in Farmaajo uu arrinta saldhigga milateriga Imaaraadka kaga hadlay kulan uu la qaatay ku-xigeenka dhaxal sugaha Sucuudiga Muxamed Bin Salmaan Bin Cabdalcasiis, oo uu goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubayri iyo masuuliyin sare oo Sucuudi ahi.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu dadaal ugu jiraa in xidhiidhka adag ee ka dhexeeya boqortooyada Sucuudiga iyo dalka Imaaraadka Carabta ee ay xulafada yihiin uu uga faa’idaysto in Imaaraadka lagu qanciyo in aanu ku sii socon furashada saldhiggaas Milateri, kadib markii baarlamanka Somaliland uu dhowaan cod ku ansixiyey tallaabadan uu Imaaraadku saldhigga kaga samaysanayo magaalada Berbera.

Soomaaliya ayaa iyadu arrintaas cadho xooggan ka muujisay, iyada oo ku andacoonaysa in ay sharci darro tahay in saldhiggaas la furo iyada oo aan Muqdisho ogolaanshiyo laga haysan.