Madaxweynaha Soo Socda: Qoyskiisa, Sida Ay Isku Yihiin Heesaha Iyo Ciyaaraha Iyo Waxa Uu Qabto Waqtigiisa Firaaqada

29
3536

Hargeysa(Geeska)-Musharaxiinta xisbiyada ku loolamaaya doorashada labada maalmood uun inaga xigeen ee Ucid Faysal Cali Waraabe, Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ku dhaliilaan shacabigu, waxyaabaha ay xiiseeyaan sida ay isku yihiin suugaanta,heesaha iyo waxyaabaha ay qabtaan xiliga ay firaaqada yihiin.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ku dhashay magaalada Hargyesa 1948, waana aabo leh hal xaas iyo

Sida oo kale musharaxa xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhashay duleedka Faraweyne oo Hargyesa ka tirsan 1948, waana aabo leh laba xaas iyo todoba caruur ah. halka musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cadbiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciiro) uu isaguna ku dhashay magaalada Hargeysa 1955-kii, waa aabo leh hal xaas iyo shan caruur ah.

Hadaba waxa uu wargeyska Geeska Afrika halkan ku soo qaadanayaa sadexda musharax ee doorashadan madaxtooyada Somaliland u ordayaa waxyaabaha ay qabtaan wakhtiga ay firaaqada yihiin,suugaanta iyo heesaha sida ay isku yihiin iyo mid kasta waxyaabaha ay shacabigu ku dhaliilaan, waxaana su’aalahan waydiinayay Ismaacil Farjar iyo Sagal Mustafe oo ka tirsan laanta afka Somaliga ee VOA, waxaanay su’aalaha oo isku dhaf ah ay ku bilaabmeen sidan

Musharax Muuse Biixi oo la waydiiyay Shacbigu inay kugu tilmaamaan shaqsi adadag iyo sida uu u arko?

Adadayga ma garanaayo ee maxaa loola jeedaa, nin xoog weyn ma ihi nin iska caato ah ayaan ahay markaas adadaygaas garan maayo anigu qof caadi ah ayaan isku arkaa.

Musahrax Faysal Cali Waraabe ayaa la waydiiyay dhankiisa bal isda uu u arko in dadku ku dhaliilaan qof is badbadala oo aan lahayn meel loogu soo hagaago?

Shalay iyo maanta ma lihi, kuwa kale shalay iyo maanta ayaa lagu soo saaraaye hadaad qudbadaydii 2003 aad akhridid iyo taydan waa isku mid, Kulmiye ayaa idacaayadayn jiray oo waxa uu igu odhan jiray waynu xilka ka qaadno Rayaale oo dawlad kumeelgaadh ah aynu samayno,waxaanu markaas sidaas u samaynay inuu diiwaangalinta ku soo celino Rayaale, markii uu ku soo noqday inaad isbadasho sow maaha, markaas Kulmiye ayaa waxaas igu dacaayadaynaayay sida Siilaanyo lagu soo saaray ee siyaasiyiin badan lagu soo saaray bal muuqaal kaliyaata aan shalayna wax leeyahay maantana wax leeyahay soo saar.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa la waydiiyay in dadku ay u arkaan nin taladiisa ay saamayn ku leeyihiin dadka ka agdhow iyo sida uu isagu u arko?

waxaan is leeyahay ninka madaxda ahi ee hogaamiyaha ahi waa nin u dabacsan shacbigiisa,laakiin ka adag shaqadiisa iyo shisheeyahaba, markaas waxaan ahay hogaamiye dadkiisa u dabacsan laakiin shaqadiisa iyo shisheeyahaba ku adag.

Musharax Muuse Biixi iyo siday isku yihiin kubada iyo suugaanta?

Heesaha dadka oo dhami waa uu iska heesaa oo markii aan yaraana riwaayado badan ayaa jiray oo aadbaa loo gali jiray, markaad weynaato way kaatagayaane fanaaniintii anaga nala da’da ahaa waxa ka mid ahaa Maxamed Saleebaan, Maxamed Mooge iyo Kuluc qoladaas ayay igaga go’day laakiin qoladan danbe ee xidigaha iyo mar marbaan maqlaaye qoladayadii kuwaas rawaxay ayay ahaayeen.

Dadku waxay is waydiinayaan Muuse Biixi mar aanu siyaasada gacanta ku hayn wakhtigiisa maxuu ku qaataa?

Anigu waxaan ahay beeralay xoolana waan ku dhaqdaa markaas hiwaayadaydu waxa weeye inaan beertaas iyo xoolahaas ka shaqeeyo taan ugu farxada badanahay waa taas, dadii ciyaaraha waan dhaafay ma daawdo, yar yarka ayaa iiga sheekeeya macaa magacyadooda ma kala aqaano.

Musharax Faysal CalI Waraabe Ciyaaraha sideebay isku yihiin?

Anigu, ama quraanka ayaan akhriyaa ama buugta ayaan akhriyaa markaan yaraana waxaan ciyaari jiray Tanista imika ma haysto oo ma ciyaaro laakiin waxaan ku koobanahay inaan wax akhriyo, kubadaha iyo waxaas aad sheegtay ma kala aqaano.

Faysal: Heesaha iyo suugaanta ka waran?

Barigaan yaraa ee jaamacada ku jiray waxaan ahaa jaasaa wanaagsan, xataa markaan soconaayo wax la moodi jiray inaan jaasayo laakiin mar’marbuu saarku igu yara kacaaye muusiga aad uma jecli.

Faysal: Suugaanta sidee isku tihiin?

barigaan yaraabaa laygu yidhi boqol doolar ayaa lagu siinayaaye tix gabay ah sheeg, walaaladay ayaa ah gabayaa, qoyskayagana boqolkiiba sagaashan ayaa ah gabayaa, waad taqaanaa Qawdhan Suldaan iyo Xasan Kayd , anigu kuma fiicni.

Cirro ma xiiseeyaa ciyaaraha sideese ay isku yihiin suugaanta?

Barigii aan kolay dhalinyarada ahaa ciyaaraha waana ciyaari jiray kubada iyo xeegadaba laakiin intii aan siyaasada galay midna ma ciyaaro waanse xiiseeyaa wali, waxa kale oo aan xiiseeyaa suugaanta inaan dhagaysto inkasta oo aanan aad u qaybin laakiin aadbaan u xiiseeyaa inaan dhagaysto. waan daawadaa ciyaaraha laakiin intii aan siyaasada ku jiray waa uu koobnaa wakhtigaan daawaday, heesaha baryahaas ma dhagaysto laakiin imika ” Waqalkaas da’aayaa waa Waddani” ayaa iigu badan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here