“Madaxweynaha Somaliya Waxaan U Malaynayaa Madaxweynayaashii Hore Inuu Dhaami Oo Uu Caqli Heli, Oo Dawgiisa Garan”

0
581

Hargeysa (Geeska)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Madaxweynaha cusub ee Somaliya, ee dhawaan la doortay, waxaanu sheegay inuu ka rajaynayo in aanu la mid noqon Madaxweynayaashii hore ee soo maray Somaliya.

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Saldhiga Milatariga ee Somaliland Imaraadka ka siinayso Berbrera, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Saldhiga Milatari “Imaraadka iyo Carab oo dhan fadhigooda weynu u baahnayn, Imaraadka waanu soo dhaweeynaynaa, ninkii caqli leh uu arkaayey in aanu Barlamaanka nina ka baydhin, dadka reer Somaliland wey mahadsan yihiin calankoodu ha raago”.

Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko wararka sheegaya in heshiiskan ay Somaliya ka dambayso, oo Imaraadku soo maray Somaliya iyo Madaxweynaha cusub ee Somaliya wuxuu yidhi “Hadal wanaagsan kama hayno Somaliya, warkaasna war uma hayno, laakiin Madaxweynaha Somaliya ee la doortay madaxtinimadiisu ha jirte waxaan u malaynayaa Madaxweynayaashii hore inuu dhaami oo uu caqli heli, oo doowgiisa garan oo waxaan leeyahay aynu noqono laba dal oo is caawiya, oo shirarka iska caawiya,wanaag baanu ka rajaynaynaa”.