Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyey Laba Wadaad Oo Muddo xidhnaa

0
967

u_36158d_2011-5-17-10-55-30f_Breaking-NewsLabadan Wadaad oo ay Xabsiga dhigtay Xukuumaddii hore ayaa lagu soo eedeeyey falal argagixiso, ayaa markii ay Maanta Cafiska Madaxweynaha ku soo baxeen Warbaahinta u sheegay inay ku Faraxsan yihiin soo daynta la soo daayey, waxaanay Mahad-naq balaadhan u jeediyeen dhammaanba intii ka qayb-qaadatay soo dayntooda.

 

Waxaan xidhnaa muddo todoba sanadood ah, aad iyo aad ayaan u faraxsan nahay waxaan ugu horayn u mahad naqaynaa ILAAHAY oo fadliga iyo deeqda bixiya. Jeelkuna wuu kadeed badan yahay daalna wuu iga muuqdaa waayo muddo badan ayaan caalamka ka maqnaa.

Waxa igu haboon inaan u mahad naqo Ummadda islaamka ah iyo wixii magacayga yaqaana, cidii Xadhigaygu cidhiidhiga ku ahaa iyo cidii ka hawl gashay sii dayntayda, waxaad moodaa inaan u ekahay ilmo yar oo imika soo dhashay oo Uurkii hooyadda ka soo baxay mar labaad,?ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo Waraysi khaasa siiyey Laanta Afka soomaaliga ee VOA-da.

Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay inuu hadda Nolol cusub uu bilaabi doono, maadaama oo uu Wakhti dheer ku jirey Xabsi, waxaanu yidhi ?Inshaalaahu waxaan rajaynayaa inaan bilaabo nolol cusub.?

Waa markii ugu horeysey ee Madaxweynaha Somaliland uu Cafis u fidiyo Maxaabiis u xidhnaa falal la xidhiidha Argagixiso.