Madaxweynaha Ruushka Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Farogelinta Uu Ku Hayo Ukraine

0
505

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa difaacey farogelinta Miletery ee uu ku sameeyey dalka Ukraine, Warsaxaafadeed uu qabtey salaasadii shalay, waxa uu ku tilmaamey wixii Kiev ka dhacay in ay ahayd inqilaab.

Waa markii u horeysey ee Madaxweyne Putin uu ka hadlo ciidamada Ruushka ee ku sugan Gobola Cremie ee dalka Ukraine, tan iyo markii Viktor Yanukovych xukunka laga tuurey.

Putin ayaa sheegay in Yanukovych uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Ukraine, kuwa xukunka la wareegay ee Kiev ku sugana ay awoodda ku qabsadeen inqilaab hubeysan. “Haddii Janukovytj uu ku sii sugnaan lahaa Ukraine waxa uu ahaan lahaa mid la dilo” ayuu yidhi Putin. Putin ayaa meesha ka saarey in uu doonaayo Gacanka Crimea ee Ukraine uu Ruushka ka mid noqdo, “arrintaasi waa mid u taala dadka degan Crimea” ayuu yidhi, Crimea ayaa ka hor 1954 ka tirsanaan jirey dalka Ruushka, dadka ku hadla Ruushka ee degan Crimea ayaa ku dhaw 60%.

Purin ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay in Viktor Yanukovych aanu lahayn mustaqbal siyaasadeed, “sidaasna waan ku idhi Viktor Yanukovych ayuu yidhi Putin, Viktor Yanukovych waxkasta oo ay dalbadeen Mucaaradku waa u yeeley, sida Dastuurka oo wax laga beddelo dibna loogu noqdo kii 2004, in la qabto doorashooyin waqtigoodi laga soo hor mariyey, laakiin intaas oo dhan waa ku qanci waayeen waxayna si sharci darro ah xukunka uga tuureen hoggaamiye la doortey.

Putin ayaa sheegay haddii maamulka hadda jooga Kiev ay doorasho qabtaan “Ruushku ma ictiraafayo natiijada ka soo baxda.”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in Ruushku xaq u lee yahay in ay difaacayaan dhamaan dadka Ruushka ah ee Ukraine degan.

Putin ayaa ku eedeeyey dalalka reer Galbeedka ah laba wajiilinimo marka la eego hawlgalada ay ka fuliyeen dalalka Ciraaq, Afqaanistaan iyo Liibiya, kuwaas oo dhamaantood aanay wax oggolaansho ah ka haysan Qaramada Midoobey ayna ku xadgudbeen dalal madaxbanaan iyaga oo danahooda ilaalinaaya.

– Dhamaan hanjabaadaha loo jeedinaayo Ruushka, waa natiijo liddi ah isla markaana dhaawac ah ayuu yiri Putin.

Dalalka reer Galbeedka ayaa Ruushka ugu digey in qiime ugu kici doonto farogelinta uu ku sameeyey Ukraine, isla markaana la go’doomin doono.

Golaha Amaanka oo fadhigii saddexaad ka yeeshey xasaradda ka taagan Ukraine ayaa Safiirka Ruushku hoosta ka xariiqey in ay Ukraine ku tageen codsi uga yimid Madaxweynaha sharciga ah ee dalkaas Viktor Yanukovych.

Dowlada Ruushka ayaa kulankii Golaha Amaanka ku shaaciyey qoraal uu saxiixay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Ukraine Viktor Yanukovych, qoraalkaasi oo uu uga codsaday in ciidamada Ruushka usoo gurmadaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa isla shalay gaadhey dalka Ukraine, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kumeelgaarka ah ee Ukraine,waxaana Maraykanku u ballan qaadey maamulka kumeelgaarka ah ee Ukraine deyn gaareysa hal Bilyan oo Doolar oo deg-deg loo siiyo.