Madaxweynaha Oo Xilka Ka Qaaday Agaasimihii Isniintii Is Casilay

1
663

silanyo1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto uu xalay cawayskii soo saaray wuxuu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Md. Maxamuud Raage Ibrahim, oo isagu si cad Isniintii 13/2/12 ee doraad u sheegay inuu is casilay.

Agaasimihii guud ayaa gelinkii hore ee Isniintii wuxuu shirjaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada Arrimaha dibadda waxaanu sheegay inuu xilkii iska casilay, isagoo eedaymo u jeediyay wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Is casilaadda agaasimaha waxa baahiyay warbaahinta kala duwan ee maxaliga ah oo uu shirkiisaa jaraa’id ku martiqaaday. Hase yeeshe waxa dad badan ka yaabiyay markii uu Madaxweyne Siilaanyo xalay soo saaray warsaxaafadeed ku taariikhaysnaa 14/2/12 oo ah maalin ka dib markii uu agaasimuhu is casilay, kaas oo uu Madaxweynuhu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday. Dad badan ayaa isweydiiyay taloow miyaanay madaxtooyadu ogayn inuu agaasimuhu is casilay.? Si kastaba ha ahaate waxa kale oo uu Madaxweynuhu xilkii ka qaaday guddoomiyaha hay’adda qurbo-jooga Saleban Maxamed Faarax. Warsaxaafadeed uu Madaxweynuhu agaasimaha is casilay xilka kaga qaaday wuxuu u qornaa sidan:

“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay  JSL/M/XILQ/249/1-928/022012 Xilkii uu hayey kaga qaaday  Mudane, Maxamuud Raage Ibraahim oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

 

Madaxweynuhu:Maadaama oo aad xilkii ka soo bixiweyday, xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in uu meerto noqodo oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, maadaama aad muddo soo haysay xilka Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda.”

 

Digreetada labaad ee uu xilka kaga qaaday guddoomiyaha qurbo-jooga ayaa wuxuu isna ku yidhi sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay  JSL/M/XILQ/249/1-929/022012 Xilkii uu hayey kaga qaaday  Mudane, Saleebaan Maxamed Faarax oo ahaa Gudoomiyihii Hay’adda Qurbajooga Somaliland.

 

Madaxweynuhu:

 

Waxaan kaaga mahad-celinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay sidaa awgeedna Xilka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in uu meerto noqodo oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, maadaama aad muddo dheer soo haysay xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajooga, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkii Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajooga.”

Comments are closed.