Madaxweynaha Oo Xeer Ku Ku Aasaasay Guddiga Diiwaangelinta Muwaadiniinta

0
873

Picture2Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay soo saaray xeer Madaxweyne oo uu ku dhaqan geliyay xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan:  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2296/032014, ku dhaqan-geliyey xeerka  Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.

 MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay Qodobka 90aad iyo Qodobka 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.Markuu Arkay               Qodobka 3aad ee Xeerka Jinsiyadda, Xeer Lr. 22/2002 oo waajibinaya in muwaadiniintu helaan aqoonsiga muwaadinimo.Markuu Tixgeliyay Siyaasadda Golaha Wasiirradu ansixiyeen ee ay ku go’aamiyeen in la sameeyo Diiwaangelinta muwaadinka.Markuu Arkay Baahida loo qabo in la helo Diiwaangelinta muwaadinka oo laga sameeyo Dalka oo dhan si loo helo xog sugan.Markuu Yaqiinsaday In Diiwaangelinta Muwaadinka ay udub-dhexaad u tahay isla markaana fudaydinayso in la helo diiwaangelinta codbixiyaha oo u gogol xaadhaysa in la helo doorasho xor oo xalaal ah.Markuu Xaqiiqsaday In ay tahay daruuri in la sugo muwaadiniinta reer Somaliland si loo xaqiijiyo in ay codeeyaan muwaadiniinta oo keliya.Markuu Garwaaqsaday In la dardar-geliyo loona qabto hawsha Diiwaangelinta Muwaadinka si dhaqso ah.Isagoo Maanka ku Haya  Ahmiyadda doorashooyinku ku leeyihiin Qaranka iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah;

 Wuxuu halkan ku soo Saaray Xeerkan;

Qodobka 1aad

Aasaaska Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Waxaa Xeerkan lagu aasaasay Guddiyada soo socda:

Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka (Steering Committee) oo ka kooban:

1-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye. 2-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Xubin.3- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xubin.4- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Xubin.5-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Xubin.6-Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xubin.7-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Xubin.

Qodobka 2aad

Ujeeddada Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Ujeeddada Guddida Hogaamintu waa hogaaminta iyo ka midho dhalinta habka diiwaangelinta muwaadinka.

Qodobka 3aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka

Xilka iyo waajibaadka Guddida Hogaamintu waa:

1-Dejinta iyo xaqiijinta qorshayaasha Diiwaangelinta Muwaadinka.  2-Asixinta qorshaha diiwaangelinta.   3- Hagidda iyo daba-galka guddi hawleedka lagu aasaasay Qodobka 1aad ee Xeerkan.  4-Ka-talo bixinta caqabadaha laga yaabo in ay soo food-saarto hawsha diiwaangelinta.  5- Ka-talo bixinta soo saarista Xeerarka, Wareegtooyinka iyo amarrada lagama maarmaanka u ah meel marinta diiwaangelinta.

Qodobka 4aad

Aasaaska Guddi Hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka.  Guddi Hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka (Task Force) oo ka kooban:

1-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye.    2-Maareeyaha ICT Commission, Xubin. 3-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada, Xubin.    4-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga, Xubin.    5-Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubin.   6-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Xubin.    7-Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud, Xubin.

Qodobka 5aad

Ujeeddada Guddi Hawleedka

Ujeeddada Guddi Hawleedku waa meel marinta siyaasada iyo ka midho dhalinta qorshayaasha Guddida Hogaaminta.

Qodobka 6aad

Xilka iyo Waajibaadka Guddi Hawleedka

Xilka iyo waajibaadka Guddi Hawleedku waa:

1-Fulinta siyaasadda iyo qorshayaasha Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka.  2-Fulinta hawl-maalmeedka Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka.  3- La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta habka ay u socoto Diiwaangelintu.  4-La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka caqabadaha farsamo ee soo foodsaari kara hawsha diiwaangelinta iyo soo jeedinta talooyinkooda la xidhiidha caqabadahaa.

 Qodobka 7aad

Xarunta Guddiyada:-Labada Guddi waxay ku hawlgalayaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo udub-dhaxaad u ah hawsha diiwaangelinta.

 Qodobka 8aad

Dhawridda Xilliga iyo Nidaamka

Guddiyada waxaa la farayaa in hawsha lagu qabto wakhtiga loo qorsheeyey lana raaco Nidaamka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyadoo la dhawrayo hanaanka iyo habsami u socodka shaqada.