Madaxweynaha Oo Xalay U Hoyday Magaalada Baligubadle

0
588

Picture1Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo safar ku tagay qaar ka mid ah Magaalooyinka iyo Gobolada ayaa xalay u hoyday magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka hawd.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay soo maray magaalada Allaybaday ee gobalka Gabiley oo hadhimo sharafeed loogu sameeyay, waxaanu xalay fiidkii galab carow ku soo maray magaalada Balicabane ee gobalka Hawd, isagoo xalayna u hoyday magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd. Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu maanta ka baqoolo magaalada Baligubadle ayaa beegsan doona magaalada Ceerigaabo oo uu furi doono 10-kii KM ee u horeeyay ee jidkaas oo la sheegay in la dhammaystiray, waxaanu sii mari doonaa magaalooyinka Salaxley iyo Oodweyne.