Madaxweynaha Oo Magacaabay Wakiilka Somaliland Ee Turkey

0
624

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay magacaabay wakiilka Somaliland ee Turkiga.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa sheegay in xilkaas loo magacaabay Mr. Cali Axmed Cismaan. Warsaxaafadeedku wuxuu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga. 

MADAXWEYNUHU:- 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu ixgeliyey:Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka; 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga; 

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso; 

Markuu Ku Qancay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan; 

Wuxuu go’aansaday 

In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.”