Madaxweynaha Oo Maanta Jeedinaya Khudbadii Distooriga Ahayd Iyo Qodobada Laga Filayo

0
565

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta khudbad sannadeedkii distooriga ahayd ka jeediyo fadhig ay labada aqal ee Baarlamaanka [Guurtida iyo wakiilada] isugu imanayaan.

Khudbadan oo ah mid distoori ah oo uu madaxweynuhu sannadkiiba mar u jeediyo labada gole Baarlamaan, waxa la filayaa in madaxweynuhu kaga hadlo xaaladda dalku uu marayo dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo nabadgelyo ahaan. Laakiin lama saadaalin karo in Madaxweyne Siilaanyo khudbadiisa maanta ku soo hadal qaadi doono xaaladaha biyo la’aaneed iyo koronto yaraanta ka jirta magaalada caasimada ah ee Hargeysa, iyadoo ay labaduba yihiin imkaaniyaad ay dawladu gacanta ku hayso.

Sidoo kale waxa la eegayaa bal in Madaxweynuhu khudbadiisa maanta ku soo hadal qaado xaalada adag ee ka dhex taagan xukuumadiisa iyo saxaafadda iyadoo ay xayiraaadi saarantahay laba wargeys oo kala ah Haatuf iyo Hubaal, kuwaas oo la xayiray ka dib markii ay warbixino kul-kulul oo musuqmaasuq ka qoreen qaar ka mid ah wasiiradiisa.

Arrinta kale ee la isweydiinayo in Madaxweyne Siilaanyo maanta soo hadal qaadi doono ayaa ah xaalada degmada Taleex ee gobalka Sool, iyadoo uu Madaxweynaha Somaliya dhawaan sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo telefoon kagala  hadlay dejinta xaaladda deegaanadaas, taas oo dad badan ku noqotay fajiciso.

Madaxweynaha waxa kale oo laga yaabaa inuu jawaabo ka bixiyo eedaha ay u jeediyeen xisbiyada mucaaradka ee ah in dalka musuqmaasuq iyo maamul xumo ay la degtay.

Geesta kale, Madaxweyne Siilaanyo oo labadii khudbadood ee horeba ka jeediyay aqalka golaha wakiilada oo ay labada gole isugu yimaadeen ayaa la sheegayaa inuu maanta khudbadiisa u raray dhinaca aqalka golaha guurtida, taas oo la isweydiinayo sababaha keenay.

Si kastaba ha ahaate waxa isha lagu hayaa qodobada uu Madaxweynuhu maanta kaga hadli doono khudbad sannadeedkiisa distooriga ah iyo bal inay ka duwanaan doonto khudbadihii hore oo uu si qoto dheer ugaga hadli doono xaaladaha dalka ka jira iyo inay la mid noqon doonto khudbadihiisaas hore oo u badnaa kuwo uu ku soo bandhigo wax qabadka xukuumadiisa.