Madaxweynaha Oo Kulan La Yeeshay Ergadii Dharkan-geenyo

0
570

Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa Shalay qasriga Madaxtooyada shir kula qaatay ergedii uu hore ugu diray Dharkeyn-geeye iyo Dhumay ee labada ardaa ee walaalaha ah dhiilladu ku dhex martay.

ddd

Warsaxaafeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax), oo soo gaadhay Geeska Afrika ayaa u dhignaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa Shalay qasriga Madaxtooyada shir kula qaatay ergedii uu hore ugu diray Dharkeyn-geeye iyo Dhumay ee labada ardaa ee walaalaha ah dhiilladu ku dhex martay. 

Ergeda oo isugu jirtay xubno ka tirsan golaha guurtida iyo hoggaamiye dhaqameed ka kala socday gobolada dalka oo dhan, marka laga reebo kuwa gobolka Sool, ayaa madaxweynaha siiyey warbixin la xidhiidha ilaa hadda waxa u qabsoomay. 

Hoggaamiyaha ergeda Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo salaadiin ay ka mid ahaayeen, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaan Dhawal, Suldaan Siciid Ducaale, Suldaan Aadan Faarax Cumar, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indha-case) iyo Xubno kale, ayaa warbixintooda ku sheegay, in si buuxda lagu guulaystay gacan ku qabashadii dilkii halkaa ka dhacay, waxa hadhayna ay yihiin gacan maris si kama dambays ah loogu soo afjaro shaqaaqada dhex martay labada ardaa ee walaalaha ah. 

Ergedu waxay sheegeen in sharafta koowaad ee arrintaasi uu leeyahay madaxweynaha Jamhuuuriyadda Somaliland oo qaatay go’aan degdeg ah, ka dib markii uu amray in ciidamo la kala dhex dhigo labada dhinac ee isku dhacay. 

Sharafta labaad iyo magaca labaadna ay leeyihiin ciidamada qalabka sida oo isugu jira kuwa ciidamada qaranka iyo ciidamada booliska, kuwaas oo meel mariyey amarkii madaxweynaha, isla markaana meel kastoo ay labadaa ardaa wada degan yihiin ku kala dhex jira. 

Bogaadinta saddexaad waxay u tiriyeen duqayda ergeda ahayd, maamulka gobolka Sool oo uu horkacaayo gudoomiyaha gobolkaasi, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), madaxda ciidamada qaranka iyo kuwa booliska ee ku sugan dhulkaasi, garaadada iyo madaxdhaqameedka gobolka, iyo shacbiga gobolkaasi dhamaantoodba, kuwaas oo fahmay ahmiyada ay leedahay nabadu, kana horyimid xubno faro ku tirisa oo aan is muujin oo raba in dhiiga walaaluhu sii socdo, taas oo ay ka dhex goobayaan dano gaara oo ay leeyihiin. 

Warbixintooda ergedu waxay iska la afnoqdeen in shacbiga gobolkaasi ay si muqleh u taageereen ergedaa madaxweynuhu wakiishay, kana go’an tahay dadweynaha gobolkaasi nabad buuxda oo dhex marta labada ardaa ee walaalaha ah. 

Sida ay ergedu cadeeyeen shacbiga gobolkaasi waxay soo dhaweeyeen ergeda madaxweynuhu u diray iyo gurmadkii af iyo adinkaba lahaa ee sida degdega ah u fulay, iyo sida markiiba ciidamadu u kala dhex galeen, dadka isdilayey, taas oo ay u arkeen lexjeclo iyo danayn gaara uu madaxweynuhu ummaddiisa u hayo, gaar ahaan kuwa gobolka Sool. 

Waxay ergedu cadeeyeen in mashaqadii dhex martay labada dhinac ay wada jirkooda ay ku dhimatay 47 qof, iyadoo ay jiraan tiro kale aan ka mid ahayn labada ardaa balse mashqada ku waxyeeloobay, iyadoo barakac iyo dhibaatooyin kaleba ka dhasheen iska hor imaadkaasi. Waxaana la dhaariyey, siday ergadu sheegeen min 20 Xubnood oo duqayda iyo waxgaradka labada dhinac ah, haddana aan laga cabsi qabin Ilaahay idinkii wax dambe oo dhaca. 

Madaxweynaha ayaa dhiniciisa si weyn ugu mahadnaqay shaqada ay ilaa hadda ergedu soo qabatay, waxaanu raaciyey “waxay ahayd waajib inna saaran, dawladana gaar u saaran hawshan aad soo qabateen, si wanaagsan ayaanad u soo qabateen, oo ah intii aanu idin ka filaynay iyo dheeraadba ”. Ilaahay ha idinak jasaa’i siiyo”. Wuu sii hadlay madaxweynuhu waxaanu yidhi “Waa in aan dhiig dambe daadan, inagama go’o qof keliya oo bulshadeena ka mid ah oo ku dhinta dagaal aan macquul ahayn. Halkaa ka sii wada, annaguna waanu idinku garab gelaynaa. Ilaahay waxan ka rajaynayaa inuu inagu guuleeyo “. 

Madaxweynaha waxa fadhiga kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil {Saylici}, wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, badhasabka gobolka Sool, Afhayeenka Madaxtooyada,  iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.”