Madaxweynaha Oo Kormeer Ku Soo Maray Goobihii Dhibaatadu Ka Gaadhay Roobkii Dabaylaha Watay

0
494

Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa  kormeer ku soo maray qaar ka mid ah meelihii uu dhibaatada badan u gaystay roobkii ka da’ay magaalada Hargeysa.

1

Madaxtooyada somaliland oo warsaxaafadeed ka soo saartay kormeerka madaxweynaha ayaa warsaxaafadeedkaa u dhignaa sidan: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa kormeerkii labaad saaka ugu baxay dacalada magaalada Hargeysa, gaar ahaan dhulka sida gaar

ka ah uu u waxyeeleeyey roobkii adkaa ee shalay.

Kormeerkan waxa ka horeeyey kormeer uu habeenkii xalay ahaa ugu baxay cusbitalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu indhihiisa ku soo arkay isna dultaagay dadkii dhaawaca ahaa oo lagu dabiibayey cusbitalka, halka uu kormeerka maantu uu ahaa dhibaatadii uu roobku gaadhsiiyey guryaha iyo dhismayaasha.

Khasaaraha ayaa la sheegayaa ilaa hada inay tahay shanqof oo dhimasho ah laba ka midina ay yihiin iksu qoys iyo in ka badan 20 qof oo dhaawac ah, dhaawacooduna u badan yahay mid fudud.

Meelaha uu kormeeray maanta madaxweynuhu waxa ka mid ah Bakhaarada WFP, Dugsiga sare ee Nile Academy, ama Dugsigii hore ee Xalane, Saylada Xoolaha, Xaafadda Goljano iyo dugsiga Axmed Dhagax ee degmada Ibraahim Koodbuur, goobahaasi oo uu qaybo ka mida dumiyey roobku, ahna goobaha dadka dhintay iyo dadka dhaawaca ahi u badnaayeen, madaxweynuhu waxa uu halkaa war bixin kaga dhegeystay duqa caasimada iyo masuuliyiinta iyo qoysaskii raxmaadku waxyeeleeyeen.

 Dadweynihii jiidahaa degenaa uu madaxweynuhu kormeerayey ayaa u riyaaqay inuu madaxweynuhu cagihiisa ugu tagey, iyagoo uga mahadnaqay inuu u yimaado indhihiisana ku arko waxa gaadhay dadkaasi.

Waxa la maqlaayey dadweynaha oo ku dhawaaqayey madaxweyne soo dhawoow, halka madaxweynuhuna uu duco iyo tacsiba isugu daray dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay, isagoo sheegay in si guud loo qiimayn doono baaxada waxyeelada, waxna aan lagala hadhi doonin wixii loo qabanayo.

Markii laga soo laabtay kormeerkaasi waxa warbaahinta la hadlay duqa caasimada Hargeysa iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, waxaanay ugu horayn tacsi u direen eheladii, qoysaskii, dadkii ku dhintay raxmaadkaasi, iyagoo u rajeeyey kuwa ku dhaawacmayna caafimaad dhakhso ah.

Waxa kale oo ay sheegeen in xukuumad ahaan laga shiri-doono dhibaatadan iyo sidii looga hawlgeli lahaa iyagoo u soo jeediyey dadweynaha in la iscaawiyo wixii laysu qaban karo sida loo kala hayn roon yahay gaar ahaan imika oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, xukuumadduna dhinaceeda ay inta danyarta ah hoos u eegi doonto.