Madaxweynaha Nayjeeriya Oo Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad

0
561

Abuja ( Geeska ):- Madaxweynaha Nigeria Muxamadu Buhari ayaa ka hadlay caafimaadkiisa, waxaanu sheegay in "weligii aanu qaban xanuunkii hayay" dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Wuxuu sidaas u sheegay madaxda ku soo dhaweysay magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria oo uu dhawaan ku dib ugu noqday, ka dib markii uu caafimaad u tagay Britain.

Maqnaanshihiisa waxay dhalisay walaac ku saabsan sida ay tahay xaaladda caafimaadka madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Yemi Osinbajo ayaa dalka sii hogaaminayay muddadii madaxweyne Buhari uu maqnaa.

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhamadu Buhari ayaa ku laabtay dalkiisa ka dib todobaadyo oo uu fasax ugu maqnaa UK iyada oo xaaladdiisa caafimaad aad loo hadal hayay.

Buhari oo 74 sano jir ah ayaa ka dagay garoon millatari oo ku yaalla magaalada waqooyiga ku taalla ee Kaduna.

Madaxweynaha ayaa Nigeria ka duulay 19 bishii Janaayo, wuxuuna fasax caafimaad u joogay magaalada London.

Sida ay tahay xaaladdiisa caafimaad wax faahfaahin ah lagama bixinin. War qoraal ah oo rasmi ah ayaa lagu sheegay in madaxwene Buhari uu Nigeria uga baxay "fasax, markaas oo uu isku sameeyay baadhitaanno caafimaad".

"Fasaxa ayaa loo kordhiyay talo uu dhakhtarku bixiyay oo ahayd in madaxweynuhu uu baadhitaanno dheeraad ah sameeyo, nastana.

Xisbiga ugu wayn mucaaradka Nigeria ee PDP ayaa dalbaday in dadka si wanaagsan loola socodsiiyo xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.

Dalkaas ayaa hadda wajahaya khalkhalkii dhaqaale ee ugu xumaa ee muddo sanado ah soo mara, arrintaas ayaana ka dhalatay qiimaha shidaalka oo aad hoos ugu dhacay, kaas oo ahaa waxa ugu wayn ee uu dalku dhoofiyo.

Waa markii labaad ee uu madaxwaynuhu xaalad caafimaad dalka dibaddiisa u aado muddo hal sano ka yar.