Madaxweynaha La Doortay: Safarka Dheer Ee Sugaya Iyo Saymaha Ku Xeeran

31
4044

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo talada la wareegi doona badhtamaha bisha December, waxa sugaya duruufo badan oo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Waxaa sugaya arrimo badan oo uu kaga gudbi karo hadba hoggaaminta iyo qorsheyaasha siyaasadeed ee uu la yimaado. Muuse Biixi, duruufaha sugayaa waxay isugu jiraan kuwo gudaha ah iyo kuwo dibadda ah oo la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibadda, waxase marka u horaysa la wada eegayaa qaabka uu xukuumadiisa u soo dhisi doono oo dabcan ibo fur u noqon doonta su’aalo badan oo ay dadku isweydiinayaan, laakiin caqabada u weyn ee sugaysaa waa arrimaha gudaha ee dalkan loo doortay inuu hoggaamiyo.
Xukuumdiisa cusub
Muuse Biixi oo in badan markii uu ololaha ku jiray balan qaaday inuu dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh, waa halka koowaad ee laga eegayo fulinta wacadkiisa inuu dhiso xukuumad tayo leh iyo inuu dib u soo magacaabo wasiiradii Madaxweyne Siilaanyo oo badankoodu ay ku calaamadsanyihiin musuqmaasuq iyo qabyaalad, waxaa iyaduna hortaalla in uu kala doorto gole wasiirro ah oo lix dersin ka badan sida golaha madaxweyne Siilaanyo culaysna ku haya dhaqaalaha dalka iyo in uu soo koobo.
Shacabka Somaliland waxay sannadihii u dambeeyay arkeen oo aanay jeclaysan saami qaybsiga golaha wasiirada oo u muuqda inuu ka rarnaa dhinac cadaalada ka fog. Tusaale ahaan Madaxweyne Siilaanyo wuxuu beeshiisa siiyay saamigii ugu badnaa ee golaha xukuumadda uu madaxweyne ka siiyo qabiilkiisa tan iyo intii ay jirtay jamhuuriyadda Somaliland. Arrintaasi waxa ay xoojisay baahida uu shacabku u qabo in saami cadaaladeed loogu qaybiyo golaha xukuumadda, innaga oo dareensan in xukuumad laga wada dhex muuqdaa ay xoojinayso amniga, xasiloonida, dimuqraadiyadda iyo kalsonida muwaadiniinta oo isku dhami ku qabaan qaranka iyo dawladnimada.
Kala qaybsanaanta shacabka
Shacabka Somaliland, waxay aad ugu kala qaybsameen siyaasadda, waxaanay u baahanyihiin in la mideeyo oo la isu soo dhaweeyo. Way adagtahay in shacab siyaasad ku kala qaybsan la hoggaamiyaa. Sidaas daraadeed Isu soo dhawaynta shacabka Somaliland oo u muuqda inay aad u ugu kala fogaadeen, uguna kala qaybsameen ololihii KULMIYE iyo Waddani oo socday labadii sannadood ee u dambeeyay ayaa ah mawduuc sida uu u maareeyaa fure u noqonayso inuu dalku galo xaalad siyaasadeed oo degen.
In kasta oo madaxweynaha la doortay uu hadalkiisii u horreeyey ku sheegay in hawsha koowaad ee uu gelayaa ay tahay midaynta umadda, haddana waxaa muhiim ah in uu maanka ku hayo in shacabkaaga oo siyaasadda ku kala irdhoobay isu soo ururintoodu aanay hawlyarayn, sidaa awgeed dadaal badan iyo masuuliyiin arrintaas ka caawiya oo uu soo cugtaa waa masuuliyad saaran Madaxweynaha la doortay waanu ka dabbaalan karaa haddii uu la yimaado tayo hoggaamineed.
Musuqa
Musuq-maasuqa oo muddadii madaxweyne Siilanyo caan iyo wax aan lala kala xishoon noqday ayaa ah xanuun halis ah oo u baahan tallaabo geesinimo oo uu Muuse Biixi Cabdi ku waajaho si uu meesha uga saaro xididdo u muuqda inay xoogaysteen oo min kor ilaa hoos isku xidhan. Tusaale ahaan musuqmaasuqa ayaa Somaliland wuxuu sannadihii u dambeeyay gayaysiiyay sumcad darro gaadhay in xaaladaha musuq ee masuuliyiinta Somaliland lagaga hadlay labadii warbixinood ee 2015 iyo 2017 ee kooxda lagu magacaabo UN Monitoring Group ee Qaramada Midoobay hordhigtay golaha ammaanka.
Dabac xoogan ayaa nidaamkii dawladnimo ee dalka ku yimid, waxaana uu is dhex yaac ka muuqda hay’adaha dawladda, gaar ahaan kuwa xukuumadda. Wuxuu dalka u baahanyahay in dib u dhis xoogan lagu sameeyo hay’adaha dawladda, lana soo celiyo haybadii iyo kalsoonidii uu shacabku ku qabay hay’adaha. Dabaca dhinaca maamulka ah oo ku yimaada hay’adaha dawladu wuxuu dalooliyaa haykalka dawladnimo ee dalka.
Qabyaaladda
Qabyaaladdu; waxay goosatay xadhkaha waxaana isku dhex milmay nidaamkii siyaasadeed ee dalka iyo nidaamkii qabaliga ahaa. Sababta qabyaaladu u xoogaysatay waxa lagu xidhiidhiyaa dabac ku yimid dawladnimadii. Halkii ay dadku ka hadhsan jireen nidaamka dawladnimo waxay hadda magansadeen qabyaaladii, waxaana meesha lagaga saari karaa kalsoonidii shacabku ku qabeen dawladnimada oo la soo celiyo, lana dareensiiyo dadka in loo simanyahay dawladnimada.
Dhaqaalaha iyo nolosha
Madaxweynaha la doortay, wuxuu talada la wareegayaa iyadoo uu dhaqaalaha Somaliland marayo halkii u hoosaysay kaas oo saameeyay noloshii shacabka. Sicir barar xadhkaha goostay, qiime dhac ku yimid lacagtii qaranka ayaa wehel u noqday shacabka Somaliland.
Shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada oo uu Madaxweynaha la doortay balan qaaday inuu si cad u waajihi doono waxna ka qaban doono, ayaa ah hawl iyaduna sugaysa Muuse Biixi Cabdi. Dhallinyarada Somaliland ayay daraasaado la sameeyey tilmaamaan inay 75% yihiin bilaa camal. Dhallinyarada dalka oo saami ahaan lagu qiyaaso inay tirada dalka ka yihiin 65-70% shaqo la’aantoodu waxay amniga guud ee dalka ku tahay halis, nolosha dhallinyadana waxay ku tahay dhibaato oo waxay la daalaa dhacaan dhibaatooyin maskaxeed oo ka dhashay shaqo la’aanta.
Waxaa madaxweynaha looga baahanyahay sidii uu balan qaaday inuu la yimaado nidaam dhaqaale oo furfuran oo casri ah inuu dalka ka hirgeliyo si ay wax isaga bedelaan nolosha shacabka.
Doorashooyinka
Dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland waxa ay caado ka dhigteen muddo kordhin, waxaa u dambeeyey madaxweyne Siilaanyo oo kursiga ku fadhiyey hal xilli oo ku dhow labadii xilli ee sharcigu u ogolaa, waxaa iyaguna muddo dhaaf ku fadhiya golaha baarlamanka oo labadii sano ee u dambeeyey ee loo kordhiyey gabaabsi yihiin, golaha deegaanka aya iyagana waqtigoodii maalmo yari ka hadheen.
waxaa isaguna jira dood xooggan oo ay dadku ka qabaan habraaca, nidaamka iyo shuruucda doorasho ee dalka. madaxweynaha la doortay waxaa sugaysa in uu ka baydho jidkii raggii ka horreeyey oo uu samaysto taariikh cusub oo uu ku habaynayo doorashooyinka dalka isla markaana doorashada waqtigeeda ku dhowray taas oo la hubo in ay tahay arrin fudud magac weyna u soo kordhin doonta, isla markaana dalka ka dejin doonta xiisadaha siyaasadeed ee mar kasta oo doorasho dib u dhacdo soo kaca, kuwaas oo niyadjabka ay bulshada ku keenaan ka sokow hagardaameeya horumarka iyo xidhiidhda caalamiga ah ee dalka.
Ugu dambayntii Madaxweynaha la doortay mudane Biixi waxa la eegi doona sida uu ku waajaho muddo xileedkiisa iyo sida uu u sameeyo taariikhdiisa siyaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here