Madaxweynaha Killilka Shanaad Ee Itoobiya Oo Ka Hadlay Dhacdadii Gaashaamo Iyo Warbixinta Guddigii Baadhista

0
452

Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), ayaa ka hadlay dhibaatadii ka dhacay Degmada Gaashamo ee lagu laayey dadka maatida ah, waxaanu sheegay in dagaalkaasi aanu ahayn sida loo sheegay isla markaana aanu dhicin wax xasuuqa ah ama gumaad ah oo ciidankiisu ay geysteen, isaga oo tilmaamay in tirada dadka ku dhintayna ay aad uga yar yihiin inta la sheegay.

maxresdefault

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Iley), oo sida ka muuqata waraysigan oo isaga oo cod ah lagu baahiyey shabakadaha Internet ka laga qaaday isaga oo jooga dalka Ustareeliya oo isaga iyo wafti ballaadhan oo dawladda Itoobiya ka socdaa hawlo shaqo u joogaan, waxa uu ugu horreyn faahfaahiyey sida ay dhacdadaasi u dhacday ee uu isagu warbixinta ku hayo, "Intaan halkan joogay ayaan warkan maqlay, markii aan maqlayna waxay noqotay in Guddi loo diro, oo maamulkii halkaas joogay (Jigjiga) ee shaqada sii waday oo marka hawli dhacdo in la xaqiijiyo ayey u baahan tahay, Guddi isku dhaf ah oo ciidanka qaranka faradalka itoobiya iyo ciidana Liyuu Booliska iyo maamulada gobolada iyo degmooyinka oo isku dhaf ah ayaa goobtii tagay markii ay goobtii tageena sida hawsha markii hore lagu buun-buuniyey ama la isla dhex marayey may ahayn si ka gadisan bay noqotay arintaasi waxay noqotay in shacabkii iyo guddidaasi wada hadlaan, oo hawshu siday u dhacday la baadho oo goobtii la tago marka waxa xaqiiqo ah oo cadaatay in wuxuba ka kacay gaadhi kontarbaana ah iyo gaadhi kale oo ambalaas ah oo ku jiray gargaar caafimaad oo isku dhaceen, oo darawalkii ka baqay in la geeyo gaadhiga sharciga, marka iyadoo gaadhiga sidaas loo hayo oo loo qabtay ayuu haddana gaadhi kale oo kontarabaan ahi yimid kiina wey qabteen, ciidanka qabtayna waa ciidanka loogu tagalay la dagaalanka kontarabaanka ama ciidamada kastamada ee Fedaraalka boolsika oo shaqadoodu sidaas tahay, gaadhigii hore iyo kanba wey qabteen, kadib markii ay qabteen aroornimadii ayey soo baxeen 28 bishii gibmood, markaas markii ay soo baxeen Axadii ayaa dadkii labada baabuur ee kontarabaanka lahaa ayaa soo abaabulay dadka  marka dad kontarbaaniste hore u sii jiray oo markii horeba baabuurta xoog ku dhaafin jiray oo marka ay kontabaraanka wadaan xoog ku dhaafin jiray waddooyinka iyo dad kale oo ay soo abaabuleen ayaa markii baabuurtii la soo qaaday dhexda u galay, markii ay dhexda u galeen waxay damceen inay baabuurta xoog kula baxaan, xabadii u horeeysayna waxay ku bilaabeen ciidankii iyo baabuurtii oo jidka soo haya, dhibaatadu sidaas ayey ku dhacday ayey noqotay markii Guddidii iyo shacabkii iyo odayashii iyo dhalinyaradii iyo dumarkii  reer Gaashamo  ay shireen sida ay wax u dhaceen waa la isla eegay, marka dhibaatadu waxay ka dhacday arintaas, la qaban karay haddii dacwad lagu dayi lahaa, ama wax laga qabto ama si sharciya wax ha looga qabtee, dacwooyin iyo nidaamka kaleba waa lagu dayi karay, markaas arintaas ayaa dagaal iyo weerar keentay, oo ciidankii oo si sharciya u socda in la weeraro ayaa dhacday, oo xabadii dhan kasta lagaga furay, kadib markaas hawshu sidaas ayey ku dhacday".

Mar wax laga weydiiyey Madaxweynaha in Afartan qof oo rayid ahi ku dhinteen halkaas ayaa uu ku jawaabay "Waxaas waxba kama jiraan, xaqiiqiyan sida Guddidu warbixintii dhabta ahaa soo qortay shacabku sida ay soo sheegeen iyo sida xaqiiqada ah ee dhabta ah waxa laga yaaba xabbadi marka ay dhacdo oo labada dhinaca ka dhacdo lama dhihi karo shacabka kuma dhici karto, laakiin xaqiiqiyan dadkii meesha ku dhintay waa dadkii meesha ku dagaalamayey, khasaaruhuna labada dhinaca uu jiraa, xaggaana waa uu jira xaganna waa uu jiraa, markaa xabbaddu meesha ay ku dhacday dadkii dagaalka galay ayuun baan anigu ogahay, waxa laga yaaba dad shacab ah inay xabbadu ku dhacday oo xabadu indho ma leh, laakiin muhiimadu siday u bilaamatay sidaas weeyaan, tirada dadkuna waxa la gaadhsiinayo maaha, anigu waxaan maqlaya tirada dadka dhintay inay intaas ahayn, kuna dhawayn, laakiin hah ha ahaato ama shaqsi ha ahaate wixii dhintay inuu naga dhinto may ahayn, waa wax laga xumaado, waana wax aan anigu aamisan ahay in ay aanay ahayn inay dhacdo, ee khalad ay galeen nimankaas kontarabaanistayaasha ahi oo dadka soo abaabulay iyaga iyo nimankii la socday marka arintu sidaas ayey u dhacday sida aan maqlay".