Madaxweynaha Kililka Shannaad Oo Ceel Biyood Ka Hirgeliyay Degmada Xarshin

0
901

Picture1Xarshin(Geeska)-Madaxweynaha kililka shannaad ee Somalida Itoobiya md. Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shalay xadhiga ka jaray ceel biyoodkii u horeeyay ee laga hirgeliyay degmada Xarshin ee gobalka faafan ee wadanka Itoobiya.

Ceel biyoodkan riigga ah ayaa ah kii u horeeyay ee laga hirgeliyo deegaanka Xarshin, waxaanu madaxweynaha Somalida Itoobiya oo xadhiga ka jaray uu ka sheekeeyay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray hirgelinta ceel biyoodkan, oo uu sheegay in dhawr isku day oo cilmi baadhiseed oo hore lagu sheegay inaan biyo laga gaadhi karin balse uu aakhirkii go’aansaday inuu maamulkiisu sameeyo sahamin cusub, taas oo lagu guulaystay.

Madaxwaynaha ayaa kula dardaarmay Shacabweynaha Degmada Xarshin iyo Nawaaxigeedu inay ilaashadaan Ceel-biyoodkan Gunta dheer ee ay biyaha ka heli doonaan.

Odayaal ka soo jeeda deegaanka Xarshin oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa madaxweynaha maamulka Somalida Itoobiya uga mahadceliyay hirgelinta ceel biyoodkan.