Madaxweynaha JSL Oo Furay Shirka 9aad Ee Isuduwidda Mucaawinooyinka Somaliland

0
566

Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa maanta furay Shirka 9aad ee Isuduwidda Mucaawinooyinka Somaliland oo lagu qabtay Hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa.

1

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah  waxa ka qaybgelaya wakiillo ka socda dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca hormarka, saaraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adaha Qaramada midoobey,laamaha kala duwan ee dawladda Somaliland, wakiilo ka socda bulshada rayidka ah iyo saxaafadda gudaha.

Waxaa shirkan wada guddoominya Wasiirka Qarsheynta Qaranka Mudane Cali l Xuseen Ismaacii (Cali  Shoombe), Kira Smith Madax-xigeenka safaaradda Denmark ee dalka kenya, Phil Evans madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska (DFID) u qaabilsan Somaliland, iyo Peter de Clercq ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee isuduwidda hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland.

Labada maalmood ee uu shirku socdo waxa lagu gorfayn doonaa habsami-socodka hawlaha horumarineed ee qaranka, diyaar-garawga doorashooyinka soo socda ee dhici doon bisha March, 2017, qiimeynta aafooyinkii abaaruhu geysteen iyo sii amboqaadka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sanno ee soo socda.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa furitaankii shirkan ka sheegay in xaaladda amni iyo nabad gelyo ee ka jirta Somaliland ay suurto-gelisay wadashaqayn buuxda oo dhexmarta dawladda Somaliland, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, isagoo ku amaanayna beesha caalamka taageeradda dhinaca horumarka iyo arimaha bani’aadanimadda ee ay siiyaan bulshadda Somaliland.

“Dabcan, sannadkani waa mid gaar ah, marka la’eego Somaliland, Sannadkani wuxu astaan u yahay, sannad guuradii 25aad intii ay Ummadda Somaliland wadatay aayo ka tashigeeda, tuurtay midnimadii dhicisowday ee Soomaaliya, dibna ula soo noqotay madaxbanaanideeda 18 MAY 1991kii,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in aanay Somaliland ka mid ahayn dawlad-goboleedyada Soomaaliya, kana qayb geli doonin doorashooyinka ka dhacaya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Peter de Clercq ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee isuduwidda hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland, ayaa isaguna dhankiisa sheegay in tiraba markii sadexaad ee uu Somaliland yimaado ay tahay marba marka ka danbaysana uu sii xiisaynayo. Waxa kale oo uu xusay kaalintii ay ka qaateen abaarihii baahsanaa ee dhacay Somaliland isagoo dhanka kalena sheegay sida loogu baahanyahay in laga gaashaanto in aanay abaarahaasi oo kale soo noqon. Waxaanu ka dhawaajiyey inay waddaan qorshe loogu talagalay sidii wax looga qaban lahaa  biyaha roobabka ee iyagoo qulqulayaa  badda galaya si looga faa’ iidaysto. Masuulkan ayaa waxa kuu ka dhawaajiyey sida ay ugu raja waynyihiin in doorashada soo socotaa sidii loogu talagalay u qabsoomi doonto.

Kira Smith Madax-xigeenka safaaradda Denmark ee dalka kenya, ayaa ka warantay taageeradda beesha caalamku la garab taagantahay Somaliland waxaanay ku amaantay xukuumadda iyo shacabka somaliland horumarka dhinaca dimuqraadiyadda iyo nabadgalayadda. Sidoo kale waxay ka sheegtay inay taageerayaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sano ee 2016 -2021ka kaasoo diyaarintiisu meel fiican marayso. Waxay tilmaamtay sida ay beesha caalamku u danaynayso doorka haweenka ee siyaasadda iyo dhawrista xuquuqda haweenka iyo xoriyatul qawlka.