Madaxwayne Xisaabi Xil Malaha:Qore:-Xasan Aw libaax

7
743

Picture1Madaxweyne Siilaanyo waxuu ku barbaaray oo halka uu maanta joogo uu ku soo gaadhay baystaynkii iyo beesadii uu Ingiriisku cashuur ahaan uga qaadi jiray caano diiqda magaalooyinka caanaha iyo xaabada keeni  jiray.

In kasta oo umaddani dhamaanteed abaal balaadhan ku leedahay oo aanu abidkiina maalin galinkeeda maal kale ka shaqaysan wax bulshada Somaliland gacanta ugu dhiibto mooyaane.

Madaxweyne islaamihii  waxay fadhiyaan halki aad kaga tagtay 50 sanadood hortood malaha haatan ka quustee, waxayna sugayeen inaad u samayso hadh yar oo madaxooda iyo cadceeda u dhaxeeya iyo hog yar oo ay ku istijoodaan intaan kalyahoodu shaqo gabin. Abaal xumada sidaas ah ee aad ku caan baxday   waa mid madaxweyne Siilaanyo indhahiisa ku taala.

Dhalinyaradii rag iyo dumarba lahayd ee surwaalku ku engagay biyana bogooda marinin ee cadawgii manaxaanka ahaa ee banbaanada iyo qanaabiilka ku soo ridaayay beerka u dhigayay ee calankeenan maanta hadhkiisa aynu hadhsanayno kor u taagay guushaas madaxweynuu waa uu ka maqnaa oo waxba kumuu lahayn.

Maanta maaha inaad ku tidhaahdo idiin sheegi maayo halkaan umadan hantidoodii geeyay wada tashina yeeli maayo,waxaan ogaysiinayaa madaxweynaha mar iyo laba ayuu musuq maasuq iyo maal qaran lagu caaliyaa gaws danbeedka waxii ka danbeeya caalbaa layidhaahdaa oo cunahaba hoos uma dhaafo. Umaddan damiirkoodu maanta ogolaan maayo in agoomahii rag iyo dumar lahaa ee aabayaashood la xasuuqay iyagoo dalkooda iyo umadooda ku nool daafacaaya aan danbi galin ee labaatan sano duleedka fadhiya.

Qaar aan meeshaba joogin haday joogaana ku sugnaa musuq maasuq iyo mu’aamarad layna gaadhsiiyay, muruqii  umadan iyo dalkan daafacayay,in ay kuwaasi waxii xeedhada umadda ku soo dhacay qayb sadaan oo ay yidhaadaan qaado qaataye umada inteed kalena waxba u reebi maayo taas umadu aqbali mayso.

Taas lama aqbalaayo oo xisaabi xil malaha madaxweyne,waxii ku baxaaya xisaabaha ku siman saddexdii sanadood ee ina dhaafay anigaa keenaya shirkad xisaabisa dawladaada waxii ku baxana bixinaaya haday milyan noqonayso. Taas waxa iga keenay waxaan ahay nin wadani ah oo aan ahayn kuwa caloolweynta ah ee iyaga oo arkaaya maanta waxa jira wadanka dhaawacyada aad u gaysatay caruurta dhalan doonta hadana eraygaad tidhaadaba sacabada u tumaaya taasi miyaanay ahayn  ayaan daro madaxweyne.

Madaxweyne waxaan ogahay inaad baryahan mashquul ku ahayd casuumad u dhigma kuwii Haruun Rashiid dhigi jiray   quruumahii hore, oo  aad u dhigaysay qurba joog iyo qaar kale oo aan kaag baahnayn adiga oo isku ladhaaya oo ku doonaya magac ka wanaagsan kan maanta  laguu yaqaano,madaxweyne aan kuu sheegee hanti uu qaran leeyahay oo agoomo ku jiraan iyo qaar aan afar casho dhari dab saarin lacagtooda oo la daadaadiyo magac laguma helo.

Comments are closed.