Madaxwayne Muuse iyo Waayaha Horyaal

31
3766

Qore: Yuusuf Goodir Maxammed

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku beegan yahay qaran jiray rubuc qarni. Somaliland waxay la kowsatay HOGAAMIN la’aan taas oo ka dhigtay qaran si guracan u koray; waa qaran ka marin habaabay yoolkii uu higsan lahaa; waa qaran aanay hogaamin aqoonta casriga ahi. Waxaynu nahay qaran ku taagan hab dhaqameed aynu ku tilmaansan karo GOBONIMO. Tusaale wanaagsan waxaa inoo ah, nolosheenu waxay ku tiirsan tahay afar qodob: xoolaheena nool oo ay ku hareeraysan tahay degaanka sii xaalufaya, xawaalad sii gabaabsiyaysa, odayaynta daashay iyo baryadda Illaahay.

Qaramadda casriga ahi aqoonta ayay ku jid mayaan. Haddii kale waxa soo baxa laba astaamood oo muujiya guuldaraddooda: Ta hore’e waa farshaxan la’aan (lack of professions/Professionalism.) wax qabadku ma dhamays tirna, haday noqoto adayga, quruxda, iyo wakhtiga loo adeegsaday, iyadoo marar badana ay maqan tahay akhlaaqdu. Marka la waayo farshaxan, wax qabadku wuxuu noqonayaa mid aan xidhiidhsanayn (disorganized.) Sidoo kale farshaxan la’aantu waxay la imanaysaa wax qabad liita (poor performances.)Waxaa kaloo raacda in farshacan la’aanta ay ku lamaan tahay raad raac la’aan (lack of reference.) Astaanta labaad waa abaal marintii iyo la xisaabtankii oo luma. Waxaa ka dhasha niyad jab, dayac iyo xatooyo.

Madaxwayne Muuse wuxuu dhaxlay dawlad ku dhisan farshaxan la’aan, bulshadeedana ay hadhaysay niyad jab, dayac iyo xatooyo.  Xal u helidda arimahaasi waxay ku xidhan tahay sida madaxwaynuhu ugu soo diyaar garoobay. Saddex tiir ayaa sal u ah guul ka dhalata hogaamintiisa: In uu jiro yool la higsanayaa; ciddii ka howl geli lahayd iyo dabagalkiisa. Si kale haddaynu u nidhaahno yoolku waa hore u mar, cida ka hawl gashana waxaa ku toosan farshan, dabagalkuna wuxuu suntayaa in uu rumoobo yoolku. Diyaar garowgaasi ma ka muuqdaa Muuse? Xiligii ololaha Muuse iyo raggii hareero socdayba waxay ku tiraabayeen -barnaamijka xisbiga. Barnaamijkaasi guud ahaan waa mid aad u qiimo badan oo taabanaya baahiyo badan. Haddii 50% uu hirgalo shanta sanno, Somaliland guul bay ku naaloonaysaa. Muuse wuxuu soo tubay golihiisii wasiiradda oo ah cidda uu u dabo fadhiyo in ay yoolkaa higsadaan. Dad dhaliilaya waan arkay laakiin, waxay ka jawaabi kari waayeen cidii ay ku bedeli lahaayeen. Muuse, dabcan cadaadis saddex geesood ah ayaa ku kulmay, xisbigii Kulmiye; beelaha iyo balan qaadkiisii. Waa hurti la’ in qaarkood dhaliilo ka imanayaan, golahase way ku badan yihiin kuwo hanan kara doorkooda. Madaxwaynuhuna wuxuu haystaa fursadda in uu saxo marin habowga. Madaxwaynaha waxaa horyaal in uu meel mariyo abaal marinta iyo la xisaabtanka oo ah hubinta in yoolkii lagu hiranayo isla markaana la qooran karo haddii is qardhaaf yimaado.

Meelaha barbilowga u baahan waxaa ka mid ah in la kala jiheeyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, isla markaana la kala tilmaamo tusaale ahaan, wasiirka iyo agaasimaha oo inta badan ay dhici jirtay in ay isku murgaan.

Waxaan kalsooni wayn ka qabaa in Muuse yahay madaxwayne wakhtigiisii Illaahay keenay. Isku dhererintaydii baahideena dawladnimo, iyo cidda buuxin karaysay waxaan ka eegayay saddex qodob: qalfoofka dawladnimo ee aynu ka dhaxalay afartii madaxwayne ee hore, cidda ka shaqaysiin kartaa waa madaxwayne go’aan leh, Illaahayna solonsiiyo. Qarankan aynu cuganay weligiiba muu helin hogaamiye, oo halkan aan ku soo uruurinayo in mabaadiida gooni isu taagu degan tahay qalbigiisa. Tusaale ahaan, musuqmaasuqu, wuxuu ka baxay farihii. U malayn maayo in ay dunida jirto dawlad sharci ka dhigtay aafadaas. Waxaynu ogolaanay in imtixaanadda dugsiyadda si aan xad lahayn loo qisho; waxaynu ogolaanay in cidda TV-ga ka caytantaa dalacdo; waxaynu aragnay wasiir wareegto soo saaray oo go’aanaddii uu qaatay ee uu la soo fadhiistay TV-ga, mar labaad dib isaga caayaya goobtii, oo raaciyaddiisii leedahay $ 4,000 buu qaatay.

Waxaan aad ugu rajo waynahay in Madaxwayne Muuse leeyahay sumadahaa ay ku suntan tahay go’aan qaadasho, Somalilandnimo iyo dabargoynta musuqmaasuqa. Bulshow, waxaa layga sugayaa in aynu taageero madaxwaynaha aynu dooranay oo aynaan ka dhigin qolo. Qiimayntiisuna ay u baahan tahay mudayn aan ka yarayn sanad. Ilaahay haynooga dhigo dawlad diinteena iyo dalkeenaba anfacda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here