Madaxtooyadu Miyay Kula Socotaa Rashiid Gaaruuf Xag-xagashada Telesom?

0
1255

Guuleed Xaaji Galaydh

Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruuf, wuxuu weerar joogto ah ku hayaa shirkadda Telesom ee ay leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland ahi, waxaanu Rashiid u muuqdaa inuu ka sii baxayo xadkii looga baahnaa masuul xil haya.

Rashiid Gaaruuf oo mararka qaarkood la moodo inuu qoraalada uu ku dacaayadaynayo Telesom soo qoro xilliyada dambe ee aanu maskax ahaan fadhiyin waxa uu hab dhaqankiisu ceeb ku yahay nidaamka dawladnimo ee Somaliland iyo xukuumadda Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo.

Rashiid Gaaruuf oo khasaariyay xafiiskii Somaliland ee Maraykanka ee uu dhisay mujaahid Sacad Sheekh Cismaan Nuur, kaas oo haddii aanu nahay jaaliyadda Somaliland ee Washington aanu ognahay xaalada uu xafiiskaasi ku suganyahay xafiiskaasi waxay ahayd inuu khajilo oo uu damiir ahaan xishoodo marka uu xafiiskiisii dayacanyahay ee uu haddana ku mashquulayo shirkad iyo wiil dhalinyaro ah oo reer Hargeysa ah oo da’diisa ah oo naftiisa iyo dalkiisaba horumar gaadhsiiyay.

Mr. Rashiid Gaaruuf, waxaan ogahay inuu xogtii qaranka siiyay kooxo Somaliland diid ah oo uu isagoo wakiilka Somaliland ah gurigiisa ku haystay dabadeedna ay xadeen sirtii ciidanka qaranka ee ku saabsanayd gobalada Sool iyo Buuhoodle.

Rashiid Gaaruuf, wuxuu ayaamahan Washington ku joogaa wareer iyo maskax aan fadhiyin ka dib markii la waayay meel ay martay lacag xadi badan oo uu wasaaradda arrimaha dibadda kaga soo qaatay xafiiska ayaan balaadhinayaa, taas oo uu ku isticmaalay cawaysyada habeenkii.

Rashiid, waxaan leeyahay inaadeer haddii aad ku mashquusho shirkadda Telesom iyo ninka qayrkaa ah ee horumarka sameeyay adna ogoow in lagugu mashquuli doono oo weliba la soo bandhigi doono ceebahaaga, waxaana la soo bandhigi doonaa sharciga aad ku joogto dalka Maraykanka eed ka been abuurtay adiga iyo qoyskaaguba, waxa la soo bandhigi doonaa dadka uu Alle kugu arsaaqay ee aad dayacday ee dayacaas aad samaysay uu sababay inay nolosha ka dhacaan.

Laakiin waxaan xukuumadda iyo madaxtooyada weydiinayaa bal inay Mr. Gaaruuf kula socoto dacaayadaadka uu ku hayo shirkadaha muwaadiniintu leeyihiin ee cashuurta bixiya. Rashiid wuxuu Washington kaga faaloodaa inuu awood iyo isku halayn ka haysto marwada 1aad Aamina-weris oo uu yidhaahdo hadda ayaan la hadlayaa ee bal eegga.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan saaxiibkay Gaaruuf leeyahay adigoo guri quraarada ku jira ha tuurtuurin guryo kale. Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb la kulantaa. …La Soco.

Guuleed Xaaji Galaydh