Madaxtooyada Somaliland Oo Golaha Wakiilada Ka Dalbatay Inay Maamuus Xayuubin Ku Sameeyaan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Adag U Dhaliila

0
1125

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa ka dalbatay golaha wakiilada Somaliland inay maamuus ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha guddiga shuruucda, distorka iyo arrimaha xuquuqal insaanka ee golaha wakiilada, oo dhawaan si kulul u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.

Xildhibaanka ayaa toddobaadkan shacabka ugu baaqay inaanay aqbalin wax muddo kordhin ah marka la gaadho 26 June 2015 oo ay ku eegtahay shantii sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo la doortay. Isagoo haddii muddo kordhin la sameeyana ku baaqay in la sameeyo dibad baxyo waaweyn oo mudaharaado ah.

Haddaba, af-hayeenka Axmed Saleebaan Dhuxul, oo  u waramay shabakadda  Gudgudenews.com ,  ayaa wuxuu golaha ka dalbaday inay xildhibaan Siciid Cilmi Roobe ku sameeyaan maamuus ka xayuubin “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin ay ku kaceen labadda xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble iyo Bashiir Tukaale oo ka tirsan Golaha Wakiiladda, waxay ku dhawaaqeen oo iclaamiyeen waxyaabo dalka khal-khal gelinaya  iyo kicin ay bulshadda ku abaabulayeen dagaal, xildhibaan Siciid Cilmi Roobe isaga oo golihii sharci dejinta ah ayuu dadka shacabka ah ku dhiirigeliyay inay hub soo qaataan oo ay xukuumadda dagaal la galaan.  Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda inay tallaabo ka qaadan,  oo ay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaasi oo ku kacay arrin ceeb ku ah qaranka iyo golaha wakiiladdaba.” Af-hayeenka Madaxtooyaddu  waxa uu intaas ku daray  “Sidoo kale  Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu sheegay in ninkii 17-kii bishan magaaladda Qori-lugud ku dilay labadda sarkaal in la siiyay gaadhi uu ku baxsaday, isla markaana xildhibaan Siciid   laga doonayo  arrintaasi cadaynteedda inuu keeno. “ Ugu dambayn wuxuu afhayeenka madaxtooyadu yidhi  “Xukuumaddu way ka xun tahay dhacdadaasi lagu dilay labadda sarkaal, hore ayaanay u tacsiyadaysay, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isla habeenkiiba tacsi ayuu u diray eheladii iyo qaraabadii uu  marxuumka mudaharaadkii Gabiley ka dhasay, madaxweynuhuna wuu la kulmay waalidkii marxuumka dhalay dhalay, masuuliyiin xukuumadda ka tirsanina way u tageen, oo waa loo diray. Ugu danbayntii waxaan mar labaad ugu baaqayaa golaha wakiiladda in nimankaasi waxa ay ku dhawaaqeen ay cadaynteeda keenaan, imika xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu gaadhay wakhtigii uu kolba dhinac  eegi jiray, waxaanan ku  boorinayaa  golaha wakiiladda inay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaas,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.