Madaxtooyada Oo Weli Ka Aamusan Go’aanka Guddiga Doorashooyinka Iyo Saddexda Xisbi Oo Taageeray

0
501

saddexHargeysa(Geeska)-Saddexda xisbi qaran ee UCID, Waddani iyo KULMIYE, ayaa soo dhaweeyay wakhtiga cusub ee ay guddiga doorashooyinka qaranku u cayimeen inay doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku qabsoomayaan oo ah 1-da June 2016.

Saddexda xisbi qaran ayaa sheegay inay wakhtiga cusub ee guddiga doorashooyinka soo dhawaynayaan islamarkaana ay rajaynayaan inay wakhtigooda ku qabsoomaan.

KULMIYE

Guddoomiye-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa soo dhaweeyay go’aankaas, "Hore waxay xisbiyada qaranku ay isla waafaqeen Komishanka doorashooyinka in ay iyaga ka sugaan xiliga la qabanaayo doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada, qaraarka ay y soo saareen ee ay ku soo bandhigeen xiliga ay qabanayaan doorashooyinkaas annagu hadaanu nahay xisbiga Kulmiye waanu taageeraynaa, kalsoonina waanu ku siinaynaa komishanka doorashooyinka in ay xiligaas doorashooyinka ay ku qabtaan."

Waddani

Guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Md. Axmed Muumin Seed, ayaa isna yidhi  "Runtii dhawaaqa saaka ka soo yeedhay Komishanka doorashooyinka, annagu ka xisbi ahaan waxanu sugaynay in ay soo saaraan jadwalka ay doorahada ku qaban karaan. waxaana ay maanta ku dhawaaqeen in ay doorashadu dhacayso Kowda bisha Juun 2016ka, runtii annaga oo eegayna danta qaranka Somaliland oo aanay annaga doorashada oo kaliya aanay noo muuqan horena aanu kalsooni badan u siinay komishanka qaranka, wakhigaas ay ku dhawaaqeen waanu soo dhawaynaynaa, guutidana waxaanu uga digaynaa in ay mudadaas muddo ka badan ay soo saaraan."

UCID

Murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga UCID Md. Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isna isagoo ka hadlaya mawqifka xisbigooda wuxuu yidhi  "Horta marka hore waxaan doonayaa in aan shacbiga Somaliland aan u cadeeyo in doorashadu aanay maanta dib u dhicin ee ay laba sanno ka hor ay dib u dhacday, Laba sanno xukuumada maanta jirta waxay ka shaqaynaysay in aanay doorasho dhicin wakhtigeedii, dib u dhacaas maanta dhacayna hore ayaa uu dhacay ee maanta muu dhicin. haddii ay komishanku mudeeyeen Kowda Juun ee 2016ka, waxaanu leenahay waanu ogal nahay taladii lagu gaadhi lahaana waa loo baahan yahay."

Madaxtooyada

Inkastoo uu xisbiga KULMIYE oo haya talada madaxtinimada Somaliland uu hadlay oo uu taageeray go’aanka guddiga doorashooyinka, haddana  madaxtooyada Somaliland ayaa weli ka aamusan go’aanka guddiga doorashooyinka, mana ay cadayn weli inay go’aankaas tixgelinayso iyo in kale. Waxaana aad loo sugayaa go’aanka ay xukuumaddu ka qaadan doonto jadwalka cusub ee guddiga doorashooyinka, iyadoo ay warar kala duwani ka soo baxayaan.