Madaxtooyada Oo La Sheegay Inay Beesha Caalamka U Balan Qaaday Inay Reer Somaliland Heshiis Ka Gaadhi Doonaan Khilaafka Doorashada Golaha Wakiilada

0
1287

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay wakiilada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku wargelisay in heshiis laga gaadhi doono is-mariwaaga ka taagan doorashada golaha wakiilada.

Inkastoo ay golaha guurtidu dhawaan golaha wakiilada u sameeyeen muddo kordhin, go’aamiyeena in doorashadu qabsoonto December 2019, haddana waxa weli taagan khilaaf ku saabsan cidda doorashada qabanaysa iyo weliba ka qayb galkeeda. Xisbiga Waddani ayaa sheegay inaanay ka qab geli doonin doorasho ay maamulayaan guddiga doorashooyinka ee hadda talada haya, labada xisbi ee kulmiye iyo UCID waxay iyaguna sheegeen inay diyaar u yihiin inay doorashada ka qayb galaan. Guddiga doorashada ee wakhtigan ayaa waxa uu wakhtigoodu ku eegyahay November 2019.

Hase yeeshee, warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in madaxtooyada Somaliland ay laba weji oo kala duwan kula xidhiidhay dalalka beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee Kenya. Wuxuu warku sheegay in madaxtooyadu dalalkan kula xidhiidhay qoraal ay u dirtay iyo weliba telefoono, waxaanay ku wargeliyeen in sida ugu dhaqsaha badan heshiis looga gaadhi doono arrimaha doorashada golaha wakiilada.

Warku ma sheegin nooca heshiis ee ay xukuumadu rabto in lagu dhammeeyo khilaafkan, waxase ay madaxtooyadu dalalkan u balan qaaday inay maqli doonaan war cusub oo ku saabsan heshiis laga gaadhay khilaafkaas oo hakiyay wada shaqayntii saddexda xisbi iyo weliba wada shaqaynta guddiga doorashooyinka iyo xisbiga ugu balaadhan mucaaradka ee Waddani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here