Madaxii Abaabulka Iyo Wacyigelinta KULMIYE Ee 31 May Oo Is Casilay

0
524

Hargeysa(Geeska)- Gudoomiyihii Abaabulka iyo Wacyigelinta Degmada 31 May ee Xisbiga Kulmiye Xasan Maxamed Cabdi(Qabo)  ayaa waxa uu ku dhawaaqey in uu iska casiley xilkii uu ka hayey Xisbiga Kulmiye iyo Degmada 31 May oo uu hore Kulmiye ugu magacaabey.

Gudoomiyahani waxa uu shabakada Saylamedia.com u xaqiijiyey in uu iska casiley xilkii gudoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta degmada 31 May ee xisbiga kulmiye isaga oo ku sababeeyay:-

1:- ka dib markii ay aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha aan kasoo jeedaa kulan garnaqsi ah la yeesheen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi taas oo ay gudoomiyaha kala kulmeen is afgaran waa iyo is fahmi waa.

2:- ka dib markii dhamaan qodobadii aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha aan kasoo jeedaa ay u bandhigeen gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxa ay jawaabtiisii noqotey kibir iyo cagajugleyn iyo halkaad wax ka helaysaan taga.

3:- Markaan garwaaqsaday bayaankii aqoonyahanka beeshayda.

Sidoo kale markii aan arkay in Xisbiga Kulmiye aanu umada Somaliland u dhex ahayn isla markaana mustaqbalka siyaasadeed ee dhalinyarada Somaliland aanu ahayn mid dhiiri gelinaya Waxaan go’aansaday inaan xilkii aan u hayay ka tago.

waxaan maanta oo ay bishu tahay 13/5/2017 iska casiley xilkii gudoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta degmada 31 may ee xisbiga kulmiye.

mawqifka beeshayda ayaanan iskaga casiley xilkaas waxanan racayaa meel kasta oo ay beeshayda dani ugu jirto igulana taliyaan.