“Madaxda Somaliya Caqli Fayaw Iyo Cilmi Midna Kuma Socdaan”

0
843

Siyaasi Cabdillaahi-Jawaan

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), ayaa ka hadlay xiisada ka dhex taagan Somaliland iyo Somaliya ee ku saabsan heshiiska saddex geesoodka ah ee dhexmaray Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaanu tilmaamay inuu ku jiro loolan iyo dano gaar ah oo ka waaweyn Somaliland iyo Somaliya oo u dhexeeya Wadamo iska soo hor jeeda, oo aan isku siyaasad iyo isku afkaar midna ahayn.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Maanta waxay u dhigan tahay maalintii ay heshiiska wada gaadheen Mangista iyo Siyaad Barre, ee la yidhi SNM ha ka baxdo dalka, runtii shucuurta dadku heerka ay gaadhay waa la ogaa, waana tii madaxa madax la iskugu soo tuuray, maantana iyadoo wada hadal socdo, oo la leeyahay aynu wada hadalno, oo sidii aynu u kala bixi lahayn, ama wax ugu wada heshiin lahayn aynu ka wada hadalno, ayey waxan ku kaceen, oo horumarkeenii diideen, oo hal habeen go’aan ay gaadheen ayey subixiina soo sareen, oo Barlamaankooduna ku taageeray, markaas shucuurta dadka reer Somaliland waxay la mid tahay sidii waagaas Siyaad Bare u midaawday, ayey maantana mid u tahay, oo arintana u midaysay, caawadna arintani waxay ka dhex galisay ragga Muqdisho madaxda u ah iyo Somaliland, Madaxda Somaliya Caqli fayaw iyo cilmi midna  kuma socdaan”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey xaalada Geeska Afrika iyo loolanka ay ku loolamayaan Wadamada Carabtu ayaa yidhi “Arrimaha ka socda Wadamada Geeska Afrika, waa arrimo iyo dano ka waaweyn Somaliya iyo Somaliland, oo Turkiga, Iran iyo Qadar oo isku dhinaca, Imaraadka, Sucuudiga iyo Wadamo kalena waa isku dhinac, oo qolo walba dantooda ayey u dagaalamaysaa, laakiin Somalida Muqdisho ka talisa ee gacanta lagu hayo, caqli ay ku gartaan inay si wanaagsan u fikiraan ma jiro,oo yaanay Somaliland xumaan iyo dhib dambe ka abuuran,waxaana muuqata in Madaxda Somaliya ay si toos ah u carqaladeeyeen wada hadaladii, diyaarna uma ah in la wada hadalada”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here