Madaxda Baanka Iyo Wasaaradda Ganacsiga Oo Ka Hadashay Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Iyo Sarrifka Dollarka

146
6239

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dhoofka Xoolaha, sicir bararka, is bedelka ku yimid qiimaha sarifka iyo meeshacada wali qaaliga ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Xasan Saajin iyo   Agaasimaha guud ee Baanka Axmed Xasan Carwo ,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Agaasimaha Baanka  Axmed Xasan Cabdi Carwo, wuxuu sheegay in dhoofka xooluhu sameeyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa suuqa ganacsiga, waxaanu tilmaamay inay wadaan dadaal dheeraad ah oo ay sare ugu qaadayaan tayada iyo qiimaha lacagta Somaliland, waxaanu yidhi ugu horeyn “Dhawaan waxaan safar shaqo ku tagay Berbera, gaar ahaan Baanka Berbera, oo runtii aanu ku talo jirno in aanu u dhisno si casriya, oo la mid ah sida Baanka Hargeysa, runtii waxa kale oo aan indhahayga ku soo arkay sida xawliga ah ee xoolaheenu uga dhoofayaan Dekaddeena, iyadoo dhab ahaan dhoofkan xooluhu uu sameeyn ku yeeshay dhaq-dhaqaa ganacsiga iyo suuqa, runtiina imika qiimihii sarifka hoos ayuu u dhacay, inkasta oo uu hoos u dhacay, haddana qorsha aanu wadno ayaa ah inuu hoos uga soo dhaco halka uu maanta taagan yahay, si lacagteena iyo shilinkeenu qiimo u yeeshaan, taasina waxay ku imanaysaa iyadoo Shacabkeenu  muhiimada iyo ahmiyada siiyaan isticmaalka lacagtooda, isla markaana ay ku dadaalan inay wax walba ku kala iibsadaan, sida Waxbarashada, Biyaha, Laydhka, Kirada iyo wixii la midka ahba, mar kasta oo isticmaalka lacagteenu badato, waxa yaraanaya qiimaha lacagaha kale ee qalaad, markaas lacagtan ayaa lacagteeniiya, umad kastaana shilinkeeda iyo lacagteeda ayey awooda saarta, oo ay isticmaasha, ee shacabkeenu shilinkooda ha isticmaalan, muhiimada iyo ahmiyada kowaadna ha siiyaan”.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Saajin oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi  “Wakhtigani waa wakhtigii safarka, xoolihiina waa tan la fasaxay, maadama ay Ciidi Carafo tahay,inkasta oo sarifkii uu qiimihiisi dhacay, haddana inuu intaas ka sii dhaco insha allaah waanu ku rajo weyn nahay, maceeshada qaaliga ahina hoos bay iskaga dhici doontaa, mar qudha wax hoos uma wada dhacaan, laakiin inay si tartiib tartiib ah maceeshadu u jabto, sarifkuna hoos ugu dhaco ayaanu ku rajo weynay, rajo fiicana waanu qabnaa, abaartiina weynu ka baxnay, oo waa kaas roobkii inoo dayo”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo isna arimahan ka hadlay ayaa yidhi “Kolay is bedelkan ku yimid Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Kililka Shanaad ee Somalida, xidhiidhkeena ganacsi ee aanu la lahayn saamayn ayuu ku yeelanayaa, laakiin dhoofka xoolaha ee lacagta adagi inaga soo gashay, abaartaas ALLE inaga dulqaaday, iyo nimcadaas inoo da’day, ayaa keenay in dhaq-dhaaqaqa suuqa ganacsigu xawli noqdo, qiimaha sarifka ee hoos u dhacayna waxa sabab u ah dadaalkaas ay muujiyeen Masuuliyiinta loo magacaabay Baanka ee ah Guddoomiyaha iyo Agaasimaha, oo runtii ah Masuuliyiin karti iyo aqoonba leh, oo hubo inay is bedel balaadhan keenayaan, in kasta oo wali Maceeshadii qaali tahay, oo maceeshada waxa qaali ka dhigayaa waa cashuurta qaaliga ah, iyana waxaan ku rajo weynahay inay wax badan iska bedeli doonaan haddii ALLE yidhahdo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here