Madaxda Afrika Oo Khartuum Isugu Tegey Si Ay U Gorfeeyaan Amniga Gobalka Geeska Afrika

0
735

Khartuum (Geeska)- Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa ku baaqay in la dejiyo istaraatijiyad gobalka Geeska Afrika lagu gaadhsiin karo nabad, horumar, xasilooni, iyo iskaashi.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa baaqan ka soo saaray bilowga shirka ‘Nabadda, ammaanka, xasiloonida, Iskaashiga iyo Horumarka Geeska Afrika” oo Axaddii dorraad ee 8da Oktoobar ka bilowday magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.

Shirkan oo ay wadajir isaga kaashanaya ururka Midowga Afrika iyo urur gobaleedka IGAD waxa u socon doonaa saddex maalood, waxa aana ka soo qaybgalaya dublumaasiyiin, xeeldheereyaal iyo siyaasiyiin ka kala socda dawladaha gobalka Geeska Afrika iyo dalal aan Afrika ka baxsan.

Wariyaha talefishanka Aljasiira oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ayaa ku warramay in qorshuhu yahay in shirka laga soo saaro dhukumanti lagu magacaabo ‘Dhukumantiga Geeska Afrika’ oo xaddidaya hababka ay tahay in la maro iyo habraacyada xallinta khilaafyada hubaysan ee gobalka iyo in la xakameeyo dhibaatooyinka gobalkan ka dhaca ee ay ka mid yihiin Macaluusha, Tahriibta, Budhcad badeedka iyo arrimaha la midka ah ee raadka taban ku yeesha xasiloonida siyaasiga ah iyo dhaqaalaha.

Wariye Daahir Almardi waxa uu intaas ku daray in dawladaha gobalku ay ka cabsi qabaan in ay u soo tallaabaan dhibaatooyinka ka jira dalalka la deriska ah, sida colaadaha dalka Yemen iyo dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro ururka dawladda Islaamka. Hoggaamiyeyaasha gobalka Geeska Afrika waxa ay isku dayeyaan in ay ka hortagaan khatarahaas isla markaana la’ la shaqeeyo dalalka reer galbeedku oo filaya sal-adag loo yeelo xasiloonida gobalka iyo in dhaqaale ahaan la maaglashado.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Suudaan Ibraahiim Qanduur oo ka hadlay furitaankii shirkan ayaa sheegay kulankani uu xoojinayo fursadaha iskaashi ee ay yeelan karaan dalalka Geeska Afrika, si ay uga hortagaan caqabadaha wadajirka u soo waajahaya.

Dhinaca kalana Madaxa golaha Amniga iyo Nabadda ee midowga Afrika Ismaaciil Sharqi ayaa sheegay in shirkani uu yahay tallaabo wax-ku-ool ah oo uu qaaday gobalka Geeska Afrika oo jooga marxalad xasaasi ah oo isgoysyo kala duwani ku furan yihiin, sababta ugu weynina ay tahay halka uu dhul ahaan gobalkani ku yaallo iyo taariikhdiisa siyaasiga ah. Mudane Sharqi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray, “Gobalkani waxa uu ka mid yahay goballada ay khilaafaadka siyaasiga ah iyo kuwa amniga ahi ugu raadaynta badan yihiin, waxa aanay arrintaasi keentay in uu noqdo gobal ay ku loollamaan quwado caalamiya iyo in ay ku loollamaan ururro argagaxiso iyo ururrada ku hawlan falalka sharciga baalmarsan”

Ugu dambayntii Mudane Sharqi waa uu sheegay in shirkani ay masuuliyadi ka saarantahay in uu qaabeeyo mustaqbalka gobalka iyo in uu nabadeyn iyo xasilooni ka abuuro, isaga oo sheegaya sida ay arrintaasi ku suurtogeli kartana waxa uu yidhi, “Waxa ay u baahan tahay go’aan siyaasadeed oo xooggan in la qaato iyo in xil weyn oo muddo dheer ah ay isa saaraan dhammaan dalalka Geeska Afrika iyo dhinacyada caalamiga ah ee saamaynta ku leh”