Madax Furasho Hal Bilyan Ahayd Oo Ay Bixisay Ayaa Qatar Laga Raacay Warbixino uu Geeska Afrika soo ururiyay

0
14

Geeska (Hargeysa)- Sida caadiga ah marka dhacdo siyaasi ahi dunida ku soo korodho, waxaa soo baxa faduulo loo qabo in la ogaado sababta ka dambaysay dhacdadaas, si la mid ah sida loo xiisaynayo in laga sii faalloodo halka ay ku biyo shuban doonto. Inta badan gorfeeyeyaasha siyaasadda ee ku xeeldheer cidda ama dalka ay dhacdadaasi khusayso ayaa isku hawla in ay baadhaan arrintan, waxa aanay tiriyaan sababo kala duwan oo ay u aanaynayaan dhacdadaas. Waana ay dhacdaa in sababahaasi aanay keli ku ahayn dhacdadaas.

Wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa boggiisa hore ku daabacay warbixin uu ku eegayo sababo laga yaabo in ay sii huriyeen colaadda ay dalal Khaliijka ka mid ah iyo Maraykanku u qaadeen dawladda Qatar.

Simon Kerr oo ah warfidiyeenka qoray warbixintan oo dalka Imaaraadka uga soo warrama wargeysku, waxa uu sheegay in sababta sii xoojisay dagaalka Sucuudiga, Masar, Imaaraadka iyo Baxrayn ku gooyeen xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ay la’ lahaayeen Qatar ay ahayd lacag madax furasho Hal Bilyan oo doolar ahayd oo ay Qatar ku bixisay soo deynta xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo lagu afduubay dalka Qatar mar ay dhowaan ugaadhsi shimbireed u tageen.

Wariye Kerr waxa uu soo xiganayaa dad uu sheegay in ku lug lahaayeen heshiiskaas bishii Afaraad ee sannadkan dhex maray Qatar iyo kooxda afduubka geysatay, kuwaas oo sheegay in waxa ugu weyn ee cadhada degdegga ah ka keenay Sucuudiga iyo xulafadiisu ay tahay lacagta ay Qatar siisay kooxda afduubka reer boqor geysatay oo xidhiidh la’ lahaa ururka Al-Qaacida laantiisa ka dagaalamaysa Suuriya iyo sida oo kale lacagtan oo badhkeed la siiyey rag ka tirsan hay’adaha ammaanka Iiraan oo ka qayb qaatay dhamaystirka heshiiska.

Warbixinta wargeyska Financial Times oo uu Geeska Afrika soo akhriyey waxa ay sheegaysaa in mukhallasiinta ka qaybqaatay dadaalka sii deynta la’ haystayaasha ay ku jireen laba masuul oo xukuumadeed iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan maleeshiyada Shiicada ah ee dalka Ciraaq, iyo sida oo kale lab aka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka Suuriya.

Warbixintu waxa ay sheegtay in 700 oo Milyan oo doolar oo lacagtaas ka mid ah la siiyey dad Iiraaniyiin ah iyo maleeshiyo ay Iiraan taageerto oo awood ku lahaa deegaanka afduubku ka dhacay, si ay uga qaybqaataan fududaynta hawsha soo furashada Qadariyiinta afduubka loo haystay oo tiradoodu dhamays 26 qof.

200 illaa 300 oo Milyan oo doolar oo lacagtaas ka mid ahna waxa ay Qatar siisay ururro Islaamiya oo ka jira dalka Suuriya, iyada oo lacagtaas qaybta ugu badani ay gaadhay ururka lagu magacaabo Fatxu Shaam oo xidhiidh la’ leh ururka Al-Qaacida, sababta ururkan lacagta loo siiyeyna waxa ay ahayd in ay sii daayaan 50 maleeshiyada hubaysan ee Shiicada ka mid ah oo kooxdan sunniga ahi ay muddo ka hor qafaalatay. Waayo shuruudda lagu xidhay sii deynta  la’haystayaasha Qatar ayaa waxaa ka mid ahaa in maleeshiyadaas Shiicada ah laga soo daayo ururkan Al-Qaacida ka tirsan.

Cutubyada Xisbullaah

Warbixintan uu Simmon Kerr ku qoray Financial Times waxa ay caddaynaysaa in arrintani ay marka hore ka bilaabatay markii maleeshiyo lagu magacaabo Cutubyada Xisbullaah oo ka dhisan dalka Ciraaq ay bishii Laba iyo Tobnaad ee 2015-kii afduubeen 26 Qadariyiin ah oo u badnaa xubno ka mid ah qoyska talada dalka Qatar haya, iyada oo saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Maleeshiyada Ciraaqiyiinta ahi ay sheegeen in Qadariyiintan ay afduubeen ay u qaadeen dalka Iiraan oo taageera, maadaama oo ay ka cabsi qabeen in Ciraaq aanay ka helin meel aamin ah oo ay ku hayn karaan.

Warbixintu waxa ay sheegtay in maleeshiyada afduubka geysatay ee ‘Cutubyada Xisbullaah’ ay xidhiidh la’ leedahay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan, oo sida la ogyahay maleeshiyadiisu dalka Suuriya ka waddo dagaal ay ku taaageerayso madaxweynaha taliska Suuriya Bashaar Al-Asad. Wargeyska Financial Times oo soo xiganaya laba diblumaasi oo aan jeclaysan in magacooda la xuso, ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in sababta marka horeba maleeshiyada Shiicada ahi u afduubtay Qadariyiintu ay ahayd in Xisbullaah iyo Iiraan ay helaan marmarsiinyo ay wada-xaajood uga geli karaan sii deynta dagaalyahannada Shiicada ah ee uu ururka Fatxu Shaam ee sunniga ahi ku haystay Suuriya. Farxu Shaam oo hore loogu magacsaabi jiray Jabhadda An-Nusra ayaa ah laanta ururka Al-Qaacida uu ku leeyahay dalka Suuriya.

Labada diblumaasi waxa kale oo ay sheegeen in heshiiska Qatar iyo dhinacyada Shiicada ah ee Iiraan ku jirta dhex maray qodobbada kale ee ku jiray ay ka mid ahayd, ‘In Qatar ay ka qaybqaadato fududaynta in kooxaha sunniga ah ee Ciraaq ay xayiraadda ka qaadaan laba tuule oo ay Shiicadu deggen yihiin, oo nolosha dadkii ku noolaa aad u adkaatay, iyada oo taas beddelkeedana Iiraan iyo kooxaha ay taageertaa go’doominta ka saarayeen laba magaalo oo iyaguna Suuriya ka mid ah oo ay sunnigu ku nool yihiin.

Diblumaasi reer galbeed ah oo isaguna u warramay wargeyska Financial Times ayaa yidhi, “Qatar iyo Iiraan muddo dheer ayaa ay ka wada xaajoonayeen in ay helaan wax ay ugu dhuuntaan ama daah ay saaraan heshiiskan, aakhirkiina waa ay heleen”

Masuuliyiin ka tirsan mucaaradka Suuriya oo si qarsoodi ah u bixiyey wararka arrintan la xidhiidha ayaa iyaguna sheegay in Qatar ay 120 illaa 140 Milyan siisay ururka Fatxu Shaam, halka ay 80 Milyan oo kalana siisay ururka kale ee Islaamiga ah ee lagu magacaabo Axraaru Shaam.

Sababo kale

Sababaha kale ee uu wargeyska Financial Times sheegay waxaa ka mid ah, Qatar oo Sucuudiga iyo xulafadiisu ay u arkaan in ay magangelyo iyo taageero siiso xubno badan oo ka tirsan ururrada Islaamiga ah ee xagjirka lagu tilmaamo. Laba; Qatar oo diidday dalabkii Sucuudiga iyo xulafadiisa ee ahaa in ay taageerto afgembiga milateri ee xukuumaddii Akhwaanu Muslimiinta askarta Masar xukunka kaga qaadeen iyo dawladda Cabdifataax Siisi ee ka dhalatay, iyo qodobka saddexaad oo ah Qatar oo diidday in ay qaadato siyaasadda Sucuudiga ee dalka Iiraan oo ah in colaad siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed lagu huriyo si culays loo saaro dalka Iiraan.

Sababta Afaraad ee soo raaci kartaa waa, aragtida madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo aragtida Sucuudiga ee ku waajahan Bariga dhexe oo is-waafaqay. Waxaa ka mid ah Maraykanka oo diyaar u ah in uu qaato siyaasad u eexanaysa dawladaha Sunniga ah ee gobalka Bariga dhexe.

Warbixintani waxa ay sheegtay in cadhada Sucuudiga iyo Imaaraadku u qabeen Qatar aanay ahayn mid hadda uun soo boodday ee ay sannado badan soo khamiiraysay.

Waxa uu wargeyska Financial Times sheegay in Qatar ay hore u qiratay xidhiidhka ay la’ leedahay Xamaas iyo kooxo Islaamiyiin xagjir lagu tilmaamo ah oo Suuriya ka dagaalamaya, iyo sida oo kale ururka Akhwaanu Muslimiinta, laakiin waxa ay ku doodaysaa in uu taas ka badsado Sucuudiga oo ay ku eedaynayso in ururrada Jihaadiyiinta ah ee guud ahaan dunida ka jiraa ay ku socdaan dhaqaalaha ay bixiyaan dad samo-falayaal ah oo Sucuudiyiin ah iyo aragtida diineed ee Wahaabiga oo dalka Sucuudiga hoggaamisa, sidaa awgeed haddii cid Khaliijka ka mid ahi ay ururradan taageerto uu Sucuudigu yahay cidda ugu horreysa.