Madaarada Somaliland Oo Ku Soo Ururay Garoonka Cigaal

0
956

Hargeysa(Geeska)-Madaarada Somaliland ee shaqaynaya ayaa u muuqda inay ku soo urureen wakhtigan garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay dawladda Somaliland madaarka Berbera ku wareejisay dawladda Imaaraadka Carabta oo ka samaysanaysa saldhig milatari.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in wasaaradda duulista iyo hawada Somaliland madaarka Berberka ka soo rartay shaqaalihii iyo mishiinadii kala duwanaa ee shaqada qaban jiray maadaama oo garoonkii Berbera lagu wareejiyay Imaaraadka Carabta.

Madaarka Berbera oo ay dib u dhiskiisa maalgelisay dawladda Kuwayt, ayaa waxa loogu tallo galay in la isticmaalo wakhtiyada loo baahdo ee ay culayyo ama isbedelo kale ku yimaadaan madaarka Cigaal ee caasimadda, sidoo kalena wakhtiyadan waxa isticmaali jiray diyaaradaha qaarkood sida kuwa sida dadka Tarxiilka ah.

Waxaana muuqata in Jamhuuriyadda Somaliland hadda ku soo ururtay madaarka Cigaal oo keliya taas oo aanay xeerarka duulimaadyada ee caalamiga ahi ogolayn dal leh hal madaar oo keliya. Wasaaradda duulista oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.