Macnaha Ku Jira Midabka Uu Leeyahay Ubaxa Hadyadda Laguu Siiyaa

0
1224

Hargeysa (Geeska)- Abwaan carbeed oo ka hadlayey saamaynta uu ubaxu ku leeyahay dareenka qofka ayaa yidhi ereyo aynu afkeenna ku odhan karno, "Urta kala duwan ee ubaxu, waa luuqado kulmiyey cadaab iyo janno" haddaba in badan ayaa laga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya ubaxa iyo dareenka qofka, cadadkeenan maantana waxa aynu ku soo bandhigi doonnaa midabbada kala duwan ee ubaxa iyo macnaha ay sameeyaan. Midab kastaa waxa uu ka turjumayaa dareenka qarsoon iyo shucuurka ka karaysa qalbiga qofka ubaxa bixinaya:

Ubaxa Cad: Midabka caddaanku waa astaan u taagan daacadnimo, calool xaadhnaan iyo niyad wanaag.

Ubaxa Cas:  Waxa uu tuse u yahay kalgacal, dhiiranaan ama ku dhac iyo dareen jacayl oo dhab ah, oo ku qarsoon qalbiga qofka sida.

Ubaxa Liimiga ah (Orange): waxa uu astaan u yahay fahmi waa, waxaanu u taagan yahay su'aal ah in qofku faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo dareen ama jacaylka uu u sheegtay qofkan balse aanu qofkani ku wada qancin ama madaw kaga jiro daacadnimadiisa.

Ubaxa Buluu maareega ah: Waxa uu astaan u yahay daacadnimo iyo damac guur oo uu qofkani u qabo qofka uu siinayo.

Ubaxa leh midabka cirka oo kale: Waa astaan u taagan kaftan iyo haasaawe doon iyo nolol jacayl.

Ubaxa Huruudda ah: Waa astaan u taagan hinaase, qofka hadyad u siiya qofka uu jecel yahayna waxa uu ka dhigan yahay in uu ku leeyahay fal aad ku kacdo ama xidhiidh aad cid la leedahay ayaan ka hinaasanay.