Macmiil Dahab Ka Helay Caanaha Shirkadda Spot In General Trading Oo Uu Iibsaday

0
664

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirkada caanaha ee Spot In General Trading ayaa mid ka mid ah macaamisheeda gudoonsiisay 50gram oo dahab ah kaas oo kaadhkii hanbalyada ka dhex helay caanaha Anchor oo uu iibsaday.

Macmiilkan oo shalay dahabka uu ku guulaystay lagu gudoonsiiyey  xarunta shirkada ee magaalada Hargeysa ayaa aad ugu mahad celiyey masuuliyiinta shirkada Spot In General Trading.

Maamulaha shirkada Spot In General Trading Ismaaciil Cabdi Jaamac oo ka hadlay gudoonsiinta macmiilkan ku guulaystay kontonka garaam ee dahabka ayaa waxa uu sheegay inay jiraan macaamiil badan oo ku guulaystay abaal marino kala duwan kuwaas oo uu xusay in dhamaantood la gudoonsiiyey nasiibkaas ay ku guulaysteen waxaanu yidhi “Waxaan halkan ku gudoonsiinaynaa 50gram oo dahab ah macmiilka Cabdiraxmaan Axmed Xirsi oo daasad caano ah oo uu iibsaday ka dhex helay kaadhkii hanbalyada 50gram, waxaanan leenahay hanbalyo nasiibkaaga ayaad ku heshay,mana ah markii ugu horaysay ee aanu macmiil ku guulaystay  nasiibkan dahabka aanu gudoonsiino balse waxa hore u jirtay macaamiil badan kuwaas oo ku guulaystay ilaa dahab gaadhay boqolaal  oo aanu gudoonsiinay,”

Sidoo kale maamulaha shirkadaasi waxa uu sheegay in macaamiisha shirkadoodu ay ku guulaysteen nasiib badan kuwaas oo dahabka uu ahaa cabiro kala duwan sida 1gram,2gram iyo 5gram, kuwaas oo macaamiisha ku guulaysatay ay tiradoodu dhaafayso 200 qof, waxaanu tilmaamay inay wali ay socoto.

Dhinaca kale macmiilka ku guulaystay 50gram ee dahabka Cabdiraxmaan Axmed Xiris  oo isaguna dareenkiisa ka hadlay ka dib markii la gudoonsiiyey nasiibka uu ku guulaystay  ayaa mahad celin balaadhan u sameeyey masuuliyiinta shirkadaasi waxaanu sheegay in markii uu nasiibkaas helay si wanaagsan loo gudoonsiiyey waxaanu yidhi  “Ilaahay ayaa mahad leh igu guuleeyey nasiibkan waxaan iibsan jiray caanaha Anchor mudo dheer  aniga oo u iibsan jiray tayadooda oo aad u saraysa darted iyo caruurta oo ay aad ugu wanaagsan yihiin, daasadii ugu danbaysay ee aan iibsaday ayaa waxaan ka dhex helay kaadh ay ku qoran tahay HANBALYO WAXAAD KU GUULAYSATAY 50GRAM OO DAHAB AH,  dabadeedna kaadhkii ayaan la imid xafiiska shirkada caanaha Anchor ka dibna balan ayaa lay sameeyey maantana waa lay gudoonsiiyey dahabkii aan ku guulaystay, waxaanan aad ugu mahad celinaya sida wanaagsan ee shirkada Spot In General Trading ay ii gudoonsiisay dahabka iyo balantii lay oofiyey waanan u ducaynayaa shirkada.”

Shirkada Spot In General Trading ayaa marar kala duwan macaamiisheeda ku kala sugan Somaliland, Somaliya iyo Puntland gudoonsiisay nasiibo kala duwan oo ay ku guulaysteen, taas oo ahayd qadar dahab ah oo kala duwan.