Macluumaad Ku Saabsan Muslimiinta Rohinja Ee Lagu Xasuuqayo Dalka Miyanmaar

Published on Sep 15 2017 // Googooska Geeska

Sittwe (Geeska)- Rohinja waa isir laga tiro badan yahay oo muslim ah, kana mid ah ah muwaadiniinta dalka Miyanmar oo aqlabiyadda dadkiisu ay aaminsan yihiin diinta Buudhiisam ka loo yaqaann. Inta badan ee dadka Miyanmar waxa ay cadow ku yihiin dadka muslimiinta ah oo ay u arkaan in ay yihiin dad diinta Islaamka ee ay aaminsan yihiin ay khatar ku tahay diinta awoowyadood ee Budhiisamka, waxa aan ku andacoodaan in Rohinja aanay ahayn muwaadiniin reer Miyanmar ah, balse ay isir ku leeyihiin qawmiyadda Bangaaliyiinta oo ah qawmiyad lagu qiyaaso 300 oo milyan oo ruux oo deggen dalalka Bangaladhesh, Baakistaan iyo Hindiya. Dadka Miyanmar waxa ay ku doodayaan in qawmiyadda Rohinja ay dhulkan Miyanmaar waqtiyo hore sifo sharci darro ah ugu soo haajireen, dooddaas oo ay aad u diiddan yihiin dadka Rohinjuhu.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee wargeyska Yowmu-Saabic waxa aynu ku eegaynaa xogo dhowr ah oo ku saabsan qawmiyadda Rohinja:

  1. Markii ugu horreysay taariikhda ee qawmiyaddan loo isticmaalay ereyga Rohinja waxa ay ahayd sannadkii 1799-kii.
  2. Muslimiinta Rohinja waxa ay dhulkan deggenaayeen ka hor xilligii uu gumaystaha Ingiriis qabsaday gobalka Rakhiin (Arakaan) oo ku beegnayd 1824-kii.
  3. Dawladda dalka Miynmar waxa ay fasaxday in dhaqdhaqaaq lagu magacaabo 969 oo ah suufiyaal Buudiyiin ahi ay ka hawlgalaan gobalka Rohinjuhu dego ee Rakhiin (Arakaan). Kooxaha 969 ee ay dawladdu gobalkan ku fasaxday ayaa aaminsan in dadka lagu soo dabbaalo akhlaaqda diinta (Buudhiyada) waxa aanay dagaal adag ku qaadaan cid kasta oo ka soo horjeeda andacoodkooda la xidhiidha akhlaaq wanaagga. Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ku warrantay kooxdani waxa gobalka Rakhiin ka fulisay weerarro isdaba joog ah oo ay muslimiin tiradoodu aad u badan tahay si arxan darro ah u dileen.
  4. Muddo tobannaan sano ah ayaa ay dadka Rohinja ahaayeen dhibbaneyaal lagula kaco falal xasuuq ah oo ku salaysan cunsuriyad iyo colaad isir nacayb la xidhiidha. Dadkan muslimiinta ahi waxa ay muddadaas dheer bartilmaameed u ahaayeen cadow isu gaashaanbuuraystay oo ay ka mid yihiin Buudhiyiinta dalkaas ku tirada badan, ciidamada iyo shaqaalaha dawladda oo ka soo jeeda qawmiyadaha kale, iyo isirro yaryar oo ku dhaqan gobalka Rakhiin ee Rohinjuhu deggen yahay oo isu bahaystay in ay tirtiraan isirkan oo qaarkood ku nacayaan diin, kuwo kalana kaga aargoosanayaan colaado hore oo ay u qabeen qawmiyadda Bangaaliga.

Waxaa xusid mudan in dadka Rohinja aanay ka mid ahayn ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dawladda Miynmar maadaama oo aan loo aqoonsanayn muwaadiniin.

  1. Dadkan oo muddo aad u dheer la soo gumaynayey, aqoonahaan, dhaqaale ahaan iyo xitaa dadnimo ahaanna loo burburiyey awgeed dalalka deriska la’ ah Miyanmaar ee ay u qixi lahaayeen diyaar uma ah in ay magangeliyo ama deegaamayn siiyaan, oo waxa ay u arkaan dad culays uun ku soo kordhinaya.
  2. Sannadkii 1826-kii ayaa uu Ingiriisku qabsaday oo dhulkii uu gumaysanayey ee Miyanmaar ku daray dhulka woqooyi-galbeed ee dalka Miyanmaar oo ah deegaanka uu dhaco gobalka ay deggen yihiin muslimiintani. Tan iyo waqtigaasna waxa ay dadka Rohinja ka mid noqdeen dhulkan Ingiriisku gumaystay ee markii dambe inta uu xorriyadda siiyey loo bixiyey dalka Miyanmaar, waxa xusid mudan in Ingiriisku markii uu Miyanmaar xorriyadda siiyey aanu madaxbannaani siinin dhulkii woqooyi-galbeed ee uu isagana marka dambe qabsaday, balse waxa uu ku daray uun dhulka Miyanmaar, sidaas ayaanay dadka Rohinja kaga mid noqdeen Miyanmaar.
  3. Markii sannadkii 1948-kii uu Ingiriisku xorriyadda siiyey Miyanmaar, dadka Rohinja oo arkay in dhulkoodiina la raaciyey dalka cusub ee samaysmay (Miyanmaar) dhowr jeer ayaa ay sameeyeen kacdoonno ay ku dalbanayaan in gobalkooda marka horeba gaarka ka ahaa Miyanmaar dib loogu soo celiyo si ay madaxbannaani u helaan, laakiin isku-dayadaas kuma ay guulaysan oo waxaa diidday dawladdii cusbayd ee Miyanmaar.
  4. Dalka Bangaladhesh oo ah dalka ah dadkiisa isir ahaan isugu dhow yihiin qawmiyadda Rohinja, isla markaana diinta Islaamka wadaagaan waxa uu si aad ah u diiddan yahay in uu qaabilo qaxoonti badan oo Rohinja ah, waayo waxaa la dareensan yahay in dadka hadda ka soo qaxa Miyanmaar aanay abidkood dib u noqon doonin, maadaama oo aanay dawladda Miyanmaar uba aqoonsanayn muwaadiniin geli kara.

Dalka Bangaladhesh waxaa ku yaalla xeryo qaxoonti oo ay dadka Rohinja tobannaan sano deggenaayeen ama la odhan karo waxa ay ku noqdeen rasmi maadaama oo aanay jirin rajo dib u noqosho, marar badan ayaa ay dawladda Bangaladhesh isku dayday in ay xeryahaas xidho oo dadkani noqdaan laakiin ma’ay dhicin, waayo waa dad bilaa dal ah oo aan ku noqon karin Miyanmaar oo aan aqoonsayn, arrintani waxa ay ka mid tahay sababaha uu dalka Bangaladhesh muddo uga dhego adaygayey in uu xuduuddiisa u furo qaxoontiga ka soo yaacaya xasuuqa Miyanmaar.

Bangaladhesho oo ka mid ah dalalka dunida ugu dadka badan, dhaqaalaheeduna aanu cago adag ku taagnayn waxa ay u aragtaa in dadkan oo sida aynu soo sheegnay ahayn dad wax-soo-saar ay culayska ku sii kordhinayaan.

  1. Sannadkii 1982-kii, dawladda Miyanmaar waxa ay soo saartay sharci muwaadiniinta xaddidaya, oo gebi ahaanba xaqa muwaadinnimo, kaas oo diiddan muwaadinnimada dadka Rohinja, qaabka uu dadkan ula macaamilayaana sii dhiirrigeliyey takoorka iyo dhibaataynta lagu hayo dadkan.
  2. Tan iyo sannadkii 2012 waxaa dalka Miyanmaar nafahooda ugala cararay dad muslimiinta Rohinja ah oo tiradooda lagu qiyaasay 140 Kun oo ruux, kadib markii weerarro xasuuq ah ay kala kulmeen buudiyiinta iyo qawmiyado kale oo u muuqda in dawladda ay fasax dadban ka haystaan.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!