Machadka Faafinta islaamka Oo Kulan Diini ah u Qabtay Ardayda Burco

0
550

Picture2Burco (Geeska)- Machadka Faafinta Islaamka ayaa muxaadiro diini ah u qabtay qaar ka mid ah ardayda Madarisadaha Quraanka Ee Magaalada Burco. Kulan Diimeedkaas Oo lagu qabtay Hotel Deero ayaa Waxa ka soo Qayb-Galay Gudomiyaha Maxadka Faafinta islaamka S/land,Masuliyinta maxadkaasi Ee Gobaladda Hawd iyo Togdheer,Cuqaal,Culimo aw Diin,iyo Waliba Ardayda Madarasadaha Quraanka Kariimka ah Ee Gobalka Togdheer. Kulan Diimedkaasi ayaa Waxa Ardaydaasi Kale Duwan Lagaga Wacyi-Galinayay Dhibatada ay Leedahay Tahriibtu, Waalid Caasiga, isqarxinta.  Ugu Horraynba Waxa Kulankaasi ka Hadlay Gudomiyaha Maxadka Faafinta islaamka Ee Gobalka Hawd Ee Baligubadle Sheikh Cumer Jaamac Ducaale Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Sababaha Loo Aasasay Maxadkani iyo Waliba Doorka ay ka Qaatan Sidii ay Bulshada Reer S/land Uga Wacyi-Galin Lahayeen Dhibatadda Tahriibta. Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Machadkan faafinta diinta islaamka wuxuu  dadka kaga wacyi geliyaa waliba inta badan dhalinyaradda tahriibka ,isqarxinta ,waalid-inkaarnimadda iyo dabeecooyinka xun xun ,waxaananu ardayda ka wacyigalinaa oo aanu ugu tagnaa  meelaha iskuulada iyo meelaha kale ee ay ku kulmaan ,sidaa awgeed-na imika waxaanu go’aansanay in aanu xiitaa waalidiinta caruurta dhalay iyagana wacyigalino ,markaa walaalayaal waxaanu idin leenahay dhalinyaradeenii si ayay noqotay oo way tahriibayaan oo way isdilayaan ,anshax xumo ayay samaynayaan markaa kolay way idin dhibayaane waxaanu idinku wargalinaynaa in aydaan habaarin ee aydun waxyaabaha xun xun ee aynu soo sheegnay si degen uga wacyigalisaan, oo aad diinta si fiican u bartaan" Ayuu Yidhi Sheikh Cumer Jaamac Ducaale Sheikh Axmed Cabdi C/Laahi Oo ka Mid ah Culimo Aw Diinta Gobalka Togdheer Oo ayaa Halkaasi ka Soo Jeediyay Muxadiro Diini ah Oo ku Saabsan Dhibatada ay Bulshada u Leedahay Tahriibtu iyo isqarxintu,Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Waxaan Jecelahay in Aan Muxadiradan Kaga Hadlo Dhibatada ay Bulshadeena u Leedahay Tahriibtu iyo isqarxintu,Naftu Waxay ka Mid Tahay Waxyaabaha Uu islaamkenu ilaaliyay,ilaahay waxa uu ina faray inaynu diinta islaamka weynayno oo aynu barano,waayo waa diin balaadhan oo ilaalisay qofka naftiisa, maalkiisa iyo shafartiisa markaas madama oo aad tihiin arday qiimo badan oo xafidul quraan ah waa inaad sii kordhisaan oo aad dad kale bartaan" Ayuu Yidhi Sheikh Mowliid Axmed Xasan Oo ka Mid ah Culimada Waawayn Ee Gobalka Togdheer Oo isaguna ka Hadlay Kulan Diimedkaasi ayaa ku Dheraday Qiimaha Uu Umadda islaamka ah u Leeyahay Xurmada iyo Dhowrista Ummada islaamka ah.

Waxaanu Sheikh Mowliid Muxadiro Diino ah Oo halkaasi ka soo Jeediyay Kaga Hadlay Dhibatada ay Leedahay Tahribtu iyo Qabyaladu. Sheikh Mowliid Axmed Xasan ayaa Sidoo Kale Shegay inuu ilaahay Karameyay islaamka isla Markaasna Loo Baahan Yahay in Lagu Daydo Sunihii Nabigenii Subanaa Maray.

 Guddoomiyaha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) Oo Kulankaasi Soo Gaba-Gabeyay ayaa Waxa Uu Fahfahin ka Bixiyay Ujeedada Kulankani.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii  “kulan-diimeedka Aan Maanta idinku Casuunay Maaha kii ugu horeeyay Ee Aanu Burco  ka qabano, Machadkani  Waa Machad islaami ah Oo ka Shaqeeya Arrimaha Diinta, badankodu xafidu quraan yihiin Ee kulankan ka soo qayb gashay Waa Mid farxad gelinaysa inta joogta iyo inta daawanaysaba, waxanan idin sheegayaa ama aanu idinku wacdinayaa inaad Noqotaan kuwo waalidkood ka farxiya Ee Aan ka Nixin Waalidkoda Oo aad iska jirtaan Arrimaha Dhaqan Xumada ah Ee Aan ku Haboonayn Diinteena Suuban.” ayuu Yidhi Gudomiyaha Maxadka Faafinta Diinta islaamka S/.