Machadka Daarul Iimaan Oo Munaasibad U Qabtay Furitaanka Sannad Dugsiyeedka Cusub

0
763

Hargaysa(Geeska)- Munaasibad lagu furayey sannad dugsiyeedka waxbarasho ee 2017 ilaa 2018 laguna soo xidhayey sannad dugsiyeedkii hore ee 2016 ilaa 2017 ee Macaahiida Daarul Iimaan ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Guuleed ee Magaalada Hargaysa.

Munaasibadan oo sidoo kale loo qabtay arday dhamaysatay qaybaha Machadka waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska, Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista, Culmo-awdiin, Waalidiin, Maamulka, Macalimiinta, Ardayda Machadka iyo Marti Sharaf Kale.

Ugu horeyntii waxa munaasibadaasi ka hadlay Maamulaha Guud ee Macaahiida Daarul Iimaan Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan(Sh. Axmed Iid) waxaana uu ka waramay aas-aaskii machadka, qaybaha uu ka kooban yahay iyo ardayda sannadkan ka qalin-jabisay qaybaha Machadka waxaana uu yidhi:-“Macaahiida Daarul Iimaan ee maanta aynu u kulanay in aynu ku faraxno sannad dugsiyeedkeedan aynu kii horena gunaanadayno ka dambana aynu furitaan uga dhigayno ,daarul iimaan bishii August 2003-dii ayaa hargaysa ilaahay fadligiisa iyo nimcadiisa aan kaga aas-aasnay, waxaana dhigta arday cadadkoodu dhan yahay kun iyo saddex boqol iyo kow arday”

Sheekh Axmed Iid oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka waramay goobtii Machadka laga aas-aasay iyo qaybaha uu hadda ka kooban yahay“Markii ugu horeysay xarunta aas-aasiga ah ,ee muhiimka ah ee masaajidkeena daarul iimaan ku dhagan ,dhismahaas ayeynu ka bilownay qaybtii ugu horeysay ee xifdiga qur’aanka kariimka ah, waxa inoogu xigay faraca labaad ee ka soo horjeeda ee hadda shareecada iyo rawdadu ay ku dhigtaan, waxa ku xigay qaybta boqol jire oo iyaduna ah faraca saddexaad, waxa aynu ku xigsiinay qaybta shareecada”.

Maamulaha Macaahiida Daarul Iimaan waxa sidoo kale uu ka hadlay tirada ardayda sannadkan ka qalin-jabinaysa Machadka iyo qaybaha ay ka kooban yihiin“qaybta shareecada waxa maanta ka qalin-jabin doona dufcadii shanaad oo ah 27-arday,  halka qaybta xifdiga qur’aankana ay dufcadii 13-aad maraaxil kala duwan shahaado ku qaadanayaan arday dhan 105-arday, qaybta rawdada oo iyaduna shareecada ka dambaysay oo hana-qaaday 21-arday ayaana marxaladaas ka gudbi doona, waxa kale oo jirta qaybta higaada qaybtaana 72-arday ayaa shahaadadeeda qaadan doona”.

Sheekh Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada dalka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay masuuliyada waalidka ka saaran wax barida iyo tarbiyadaynta ubadka ,isagoo waalidiinta ugu baaqay in ay ubadkooda la ogaadaan barashada cilmiga diiniga ah.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isna hadal ka jeediyey munaasibadaasi ayaa maamulka iyo macalimiinta Macaahiida Daarul Iimaan uga mahadceliyey kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan kor u qaadka kitaabka alle iyo baristiisa,sheekhu Waxa uu ka waramay taariikhdii dheerayd ee waxbarashadu dalku soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay isagoo bulshada ugu baaqay in ay ku fara-adaygaan nimcada Islaam-nimada ee eebe ina siiyey.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa bogaadin uu u jeediyey Maamulka iyo Macalimiinta Daarul Iimaan ka dib waxa uu ka waramay farqiqa u dhexeeya ardayga bilowgiisa lagu soo ababiyo qur’aanka iyo ka lagu bilaabay waxbarashada maadiga ah waxa uu yidhi:-“waxa maanta sharaf ii ah in aan ka soo qayb-galo meelihii ugu kheyrka badnaa ee lagu dhiganayey shareecada islaamka ,laguna soo saarayey dad diinta islaamka aqoon u leh, raadkeedii ama dariiqeediina ku taagan , waxa aan leeyahay ilaahay ha idinka abaal-mariyo cidii gacan ka gaysatay oo uu ugu horeeyo walaalkay sheekh Axmed Iid , waxyaabaha aanu muranku ku jirin waxa ka mid ah haddii uu qofku cilmi maadiya dhiganayo in aanay isku mid ahayn in ardayga tix-raaciisu diin yahay ama aqoon diineed leh ,marka uu maadiga dhiganayana isaga ayuunbaa ugu fiican oo ugu maskax badan uguna dadaal badan ,waa haddii uu marka hore xaga diinta ku soo horeeyo”.

Sidoo kale waxa munaasibadaasi ka hadlay kuna soo bandhigay cilmigii la baray qaar ka mid ah ardayda wax ka barata qaybaha machadka daarul iimaan ,waxaana ugu dambayntii halkaasi shahaadooyin iyo jaaisado kala duwan lagu guddoonsiiyey ardaydii sannadkan ka baxday qaybaha Machadka.

cabdicasiisyamani@gmail.com