Macaannada Sonkor La Moodka Ahi Waxa Uu Kordhiyaa Miisaanka

0
927

Otoowa (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Kanada ayaa ka digtay in isticmaalka muddada dheer ah ee sonkorta samayska ah ama sankor la moodka ahi ay kordhiso buurnimada iyo cudurrada ay ka mid yihiin, macaanka, dhiigkarka iyo wadne xanuunka.

Daraasad ay sameeyeen cilmibaadheyaal ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Manitoba ee dalka Kanada, natiijadeedana lagu faafiyey Joornaalka Canadian Medical Association ayaa caddaysay in dadka caadaysta isticmaalka sonkor la moodka loo isticmaalo si jidhka looga yareeyo sonkorta caadiga ah, taasina ay u xakamayso miisaanka iyo xanuunnada sonkorta diida, in ay ku keenayso khatar kale oo ah in miisaankii lagula dagaalamayey sii kordho.

Cilmibaadheyaasha ayaa muddo toban sano ah baadhis gaar ah ku samaynayey saamaynta ay jidhka iyo caafimaadka ku yeeshaan maaddooyinka laga sameeyo sonkortan oo ay ka mid yihiin Asiidhada Amiine ee Aspartic iyo Phenylalanine iyo sida oo kale Sucralose oo ah geed kalooriska ku jiraa aad u yar yihiin balse macaanka sonkorta oo kale leh iyo geedka macaanka samayska ah sameeya ee Stevia oo aan lahayn wax Kalooris ah, macaankiisuna 300 oo jeer ka badan yahay macaanka sonkorta caadiga ah.

Dad tiradoodu 400 oo kun ka badan tahay oo ay tijaabadan ka qaateen kadibna waxa ay ogaadeen in sonkortan oo muddo dheer la isticmaalaa ay iyadu keento miisaanka, dhiigkarka iyo wadne xanuunka. Dr. Rayan Saarishkaniski oo ka mid ahaa cilmibaadhayaasha ka qaybgalay daraasaddan ayaa yidhi, “In kasta oo dunida maantam maalaayiin qof ka isticmaalaan sonkortan, haddana baadhitaannada la sameeyey waxa ay si cad u muujinayaan in faa’idooyinka laga filayo sonkortaas ee dadku dartood u cunaan ay yihiin kuwo aan laga heli karin. Gaar ahaan dhimista miisaanka”