Maayarka Hargeysa Oo Wareegto Ka Soo Saaray Dhul Uu U Asteeyay Xabaalo, Wershado iyo Xeryo Ciidan

0
921

Picture3Hargeysa(Geeska)-Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa shalay wareegto Maayar oo uu soo saaray waxa dhul cusub ugu asteeyay Xabaalo, Dhul Wershadaha ah iyo Xeryo ay Ciidamada Qaranku ka degaan Caasimadda Hargeysa hareeraheeda.

Wareegtada Maayarka Hargeysa oo dhammaystiranina waxay u dhignayd sidan: 

Degreeto Maayor 002/02/2015

Duqa Caasimadda Hargeysa, ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, isaga oo ka duulaya baahida loo qabo xabaalo loo sameeyo Caasimadda Hargeysa, iyada oo ay buuxsameen Xabaalihii Xeedho iyo Naaso-hablood iyo dhul loo asteeyo Industrial Zone ama dhul warshadeed.

Duqa Caasimadda Hargeysa:

Markuu arkay: Sharciga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Gobolada & Degmooyinka JSL ee Xeer No: 23/2002, Qodobkiisa 40aad

Markuu Arkay: Sharciga Maamulka Dhulka Magaalooyinka JSL ee Xeer No: 17/2001, Qodobkiisa 1aad, Xubintiisa 1aad oo lala akhriyayo Dastuurka Dalka JSL Qodobkiisa 12aad Iyo Qodobkiisa 2aad Xubintiisa 1aad iyo 2aad ee Xeer No: 17/2001

Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in la helo Xabaalo ay leedahay Caasimadda Hargeysa maadaama ay buuxsameen Xabaalaha Xeedho & Xabaalihii Naaso-Hablood

Markuu Xaqiiqsaday: In loo baahan yahay dhul laga sameeyo Xabaalahaasi iyo Dhul ah Industrial Zone ama dhul Wershadeed oo looga baahan yahay Caasimadda Hargeysa

Markuu Tixgeliyay: Tallada Masuuliyiinta ay khusayso

Wuxuu Go’aansaday

Duqa Caasimadda Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deeganku markuu la tashadey Cuqaasha, Salaadiinta, Culimada, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka waxa uu go’aansaday:

Duqa Caasimadda Hargysa isagoo ka duulaya asbaabaha sare ku xusan waxa uu u aqoonsaday dhulkii dabridka Ciidanka ee Caasimadda Hargeysa sidan hoos ku cad:

2kms X 1kms ee waqooyiga dhulkii Dabridka Ciidanka Caasimadda Hargeysa waxaan u aqoonsaday Xabaalo, maadaama ay buuxsameen Xabaalihii Xeedho & Naaso hablood

2kms X 1kms ee Koonfurta dhulkii dabridka ciidanka waxaan u aqoonsaday Industrial Zone ama dhul Wershadeed oo ay kiraynayso Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Sidaasi darteed, Maadaama aynu ognahay in difaaca ciidanka qaranka caasimadda Hargeysa inuu u baahan yahay dhul baaxad leh, waxaan u asteeyay labadan goobood ee kala ah sidan:

Buurta Naaso hablood oo dhinac walba ay ka xigto (2kms)

Buurta Naas Abaarso oo dhinac walba u ah (2kms)

Ugu dambayn Masuuliyiinta Ciidanka Qaranku waa inay ka sameeyaan Xeryo Ciidan, ilaaliyaana labadaasi goobood in aan la dhalan rogin Aasaarta Qadiimiga ah ee ku taal Caasimadda Hargeysa.

 

Allaa Mahad leh

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid

Duqa Caasimadda Hargeysa, ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa