Maayarka Hargeysa Oo Shacabka Ugu Baaqay Soo Dhawaynta Madaxweynaha

0
578

Picture5Hargeysa(Geeska)- Maayirka Caasimadda Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa dadweynaha ku nool caasimadda ugu baaqay inay madaxweynaha si balaadhan ugu soo dhoweeyeen caasimadda, isla markaana ku guubaabiyaan guulaha uu ka soo hooyey safarkiisa uu ku marayey goboladda dalka.

Maayirka Hargeysa ayaa safarkaasi uu madaxweynuhu ku marayo dalka ee uu mashaariicda xadhiga kaga jaray shacabkii soo doortay ku tilmaamay guul uu madaxweynuhu ku talaabsaday, isla markaaana ku bogaadiyey booqashadii degmadda Laasqoray.

Maayirka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan dadweynaha caasimadda ugu baaqayaa inay madaxweynahooda si balaadhan oo aan kala hadh lahayn usoo dhoweeyaan maalinta bari (maanta), isla markaana ku hambelyeeyaan safarkaasi shaqo ee uu ku marayo gobolada iyo degmooyinka Somaliland si uu u xogogaal noqdo baahiyaha ka jirta deegaanadda Somaliland.madaxweynuhu goobihii uu marayey waxa uu dadweynaha ka dhagaysanayey baahiyadoodda waxa kale oo uu xadhiga ka jarayey qaar kalana dhagax dhigayey mashaariic faro badan oo laga hirgaliyey gobolada iyo degmooyinka, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu safarkii ugu horeeyey ee madaxweyne Somaliland ahi ku tago ku tagay degmada Laasqoray, taas oo uu u dhagx dhigay mashaariic kala duwan oo ay ugu waaweyn yihiin dekadda Laasoqray, warshadda kalluunka, cisbitaal iyo waxbarashadda oo uu wax badan ka qaban doono”ayuu raacicey hadalkiisa.

Maayirku waxa uu shacabka caasimada ugu baaqay in maalinta (khamiis) oo madxweynuhu ku soo beegan yahay caasimadda ay si diiran usoo dhoweeyeen, isla markaana amnigooda ilaashadaan.