Maayarka Hargeysa Oo Djibouti Kaga Qayb Galay Sannad Guurada 35aad Ee Xisbiga RPP

0
568

Picture5Djibouti(Geeska)-Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa shalay ka qayb galay munaasibad loogu dabaal degay sannad guurada 35aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay xisbiga RPP ee haya talada dalka Djibouti.

Munaasibadaas oo lagu qabtay magaalada Dikhil ee galbeedka dalka Djibouti, ayaa waxa madax ka kala socotay bariga Afrika oo lagu martiqaaday ka mid ahaa maayarka caasimadda Hargeysa oo la fadhiisiyay qaybtii loogu tallo galay Jamhuuriyadda Somaliland oo la sudhay calanka Somaliland. Maayarka oo uu wehliyay xildhibaan Cabdicasiis Aaden Habane (siisto) oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, ayaa waxa munaasibadda uu ka qayb galay hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele oo guddomiye u ah xisbigan haya talada Djibouti. Maayarka Hargeysa oo saxaafadda la hadlay ayaa hambalyo u diray madaxweynaha Djibouti, waxaanu isagoo ku hadlayay magaca madaxweynaha Somaliland uu sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan shacabka reer Djibouti, waxaanay madashaas isku dhex salaameen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Maayarka ayaa wadanka Djibouti ku jooga booqasho rasmi ah, ka dib markii uu martiqaad ka helay maayarka magaalada caasimadda ah ee Djibouti, waxaana loogu soo dhaweeyay si diiran.